4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Jan 20, 2021
Maamulka gobolka Hiiraan oo ka hadlay dad lagu dilay wadada xiriirisa Matabaan iyo Guriceel
 

Arbaco, Janaayo, 20, 2021 (HOL) -  Cali Jeyte Cismaan guddoomiyaha maamulka gobolka Hiiraan ayaa si adag uga hadlay dilal la xariira aanoyin qabiil oo maalmahii lasoo dhaafay kusoo badanayay wadada xariirisa magaalooyinka Matabaan iyo Guriceel oo ka kala tirsan gobolada Hiiraan iyo Galgaduud.

Guddoomiye Jeyte ayaa sheegay iney tahay wax aad looga xumaado dilalka xiligaan ka dhacaya gobolada Hiiraan iyo Galgaduud ee qabiilka ku saleysan, isagoo uga tacsiyeeyay ehalada dadkii siyaabaha kala duwan loogu  dilay wadada xariirisa magaaloyinka Matabaan iyo Guriceel.

Waxuu sidoo kale sheegay in nasiib daro ay tahay in waqtigaan wali aay is dilaan dad walaalo ah oo daris wada ah waxuuna ugu baaqay labada beelood ee colaada u dhaxeyso iney wax waliba ku dhameystaan wadahadal oo aanan dhiig dambe la iska daadin ayuu yiri guddoomiye Jeyte.

Hadalka Cali Jeyte ayaa imaanaya xili maalmahii lasoo dhaafay lagu dilay deegaano ka kala tirsan Hiiraan iyo Galgaduud dad shacab ahaa haba ugu badnaadaane Wadayaasha gadiidka xamuulka ah ee wadadaasi isticmaala.

Jamaal Cali Cabdi, Hiiraan Online
[email protected]