4/17/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Jan 20, 2021
Midowga Yurub oo daah furay mashruuc ballaaran oo ku saabsan kobcinta kalluumaysiga Soomaaliya
 

Arbaco, Janaayo, 20, 2021 (HOL) - Munaasabad lagu daahfurayay mashruuc Midowga Yurub uu maalgeliyay oo ku saabsan Kalluumeysiga iyo xoolaha ayaa saaka ka dhacay Hotel Decale ee magaalada Muqdisho.

Mashruucan oo ay fulineyso Hay’adda Cuntada iyo Beeraha ee Qaramada Midoobay (FAO) uuna ku kacayo dhaqaale gaaraya 14.7 milyan oo yuuro ah ayaa waxaa si rasmi ah u daah furay Wasaaradda Qorsheynta, Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha oo kaashaneysa Wasaaradda Kalluumeysiga iyo Wasaaradda Xanaanada Xoolaha.
 
Nicolás Berlanga Martínez, Safiirka Midowga Yurub ee Soomaaliya ayaa sheegay mashruucaan inay ujeedadiisu tahay dib u soo nooleynta iyo ballaarinta dhaqaalaha Soomaaliya iyo kobcinta fursadaha hab nololeedka, abuurista shaqooyin iyo taageerida kobaca loo dhan yahay.
 
"Mashruucu waa mid muhiimad weyn leh maxaa yeelay wuxuu wax ka qabanayaa baahida loo qabo hirgalinta hanaan dhameystiran oo isku dhafan oo lagu wajahayo horumarka Soomaaliya wuxuuna gacan ka geysanayaa xasilloonida isagoo taageeraya 4 geeddi-socod oo muhiim ah, sida xasilinta, maamulka, kobaca dhaqaalaha iyo ilaalinta bulshada,” ayuu yiri Safiirka Midowga Yurub.
 
Waa mashruuc soconaya seddex sano, wuxuu qeyb ka yahay barnaamijka horumarinta dhaqaalaha maxalliga oo ay maalgeliso Midowga Yurub iyadoo ujeedka laga leeyahay ay tahay kordhinta xasiloonida Soomaaliya iyadoo kor loo qaadayo awoodda dowladda iyo kordhinta helitaanka adeegyada aasaasiga ah, dhiirrigelinta dib-u-heshiisiinta maxalliga ah iyo nabad-dhisidda, abuurista fursadaha dhaqaale iyo ilaalinta bulshada kuwa ugu nugul.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online
[email protected]