4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Jan 18, 2021
Sheekh Shariif Sheekh Axmed oo markale si adag uga hadlay arrimaha doorashooyinka dalka
 

Isniin, Janaayo, 18, 2021 (HOL) - Madaxweynihii hore ee Soomaaliya ahna Guddoomiyaha midowga Musharaxiinta Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa maanta Shir jaraa'id uu ku qabtay magaalada Muqdisho uga hadlay arrimaha doorashooyinka dalka.

Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa sheegay in xiligaan loo baahna in arrimaha doorashoyinka dalka laguda galo balse aysan taasi dhicin waxuuna si adag uga digay dib u dhac ku yimaada doorashoyinka dalka.

"Mararka qaar waxaa la is weydiiyaa haddii la gaaro 8-da Febaraayo maxaa dhacaaya, rajadeynu waa in kahor ay dhacdo doorashada dalka iyada oo laga heshiinayo waxyaabaha la isku heysto, isla markaana la xeerinayo dhaqankii wanaagsanaa oo ah xal siyaasi ah" ayuu yiri guddomiyaha midawga Musharaxiinta Shariif Sheekh Axmed.

Sheekh Shariif waxuu sidoo kale ka hadlay arrimaha la xariira ammaanka dalka iyo halka uu maraayo isagoo sheegay in ammaanka dalka uu maraayo meel adag loona baahan yahay in si deg deg ah wax looga qabto.

Gabagabadii Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa ugu baaqay dhamaan saamileyda Siyaasadda ku kala aragti duwan iney isugu yimaadaan gogol nabadeed si looga samata baxo caqabadaha hortaagan doorashada dalka.

Jamaal Cali Cabdi, Hiiraan Online
[email protected]