4/17/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Jan 18, 2021
Wasiirka caddaalada Soomaaliya oo xoriyadiisa usoo celiyay muwaadin muddo dheer ku xirnaa xabsiga Muqdisho
 

Isniin, Janaayo, 18, 2021 (HOL) - Wasiirka cadaaladda Soomaaliya, Cabdulqaadir Maxamed Nuur ayaa hooyo Luul Cusmaan ku wareejiyay wiilkeeda oo muddo ku xernaa xabsiga dhaxe ee Xamar kadib markii lagu xukumay kiis la xiriira xatooyo hanti Qaranku leeyahay.

Wasiirka caddaalada ayaa dhawaan hooygeeda ku booqday hooyadaan oo warbaahinta lagasii daayay iyadoo ka cabanaysay in wiilkeeda uu muddo afar sano si dulmi ah ugu xiran yahay xabsiga magaalada Muqdiso.

Wuxuu wasiirku horey u balanqaaday in uu sida ugu dhaqsiyaha badan caddaalad ku helidoono wiilkeeda, isagoo sheegay in ay taabatay markii uu baraha bulshada ka arkay hooyada waayeelka ah oo cabanaysay.

Lama oga nuuca xatooyada ee maxbuusku xirnaa, balse wasiirka caddaalada ayaa kusoo koobay in loo xukumay xatooyada hanti qaran.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online
[email protected]