4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Jan 17, 2021
Kolonyo uu la socday guddoomiyaha gobolka Shabeellaha hoose oo la weeraray

 

Axad  Janaayo, 17, 2021 (HOL) -Wararka naga soo gaaraya gobolka Shabeelaha hoose ayaa sheegaya in qarax xooggan deegaanka lagu magacaabo Tixsiile lagula eegtay gaadiid kolonyo ah oo uu la socday guddoomiyaha gobolka Shabeellaha Hoose Cabdiqaadir Maxamed Nuur Sidii.

Guddoomiyaha ayaa socdaalkiisa waxaa ku welinayay saraakiil ciidan, waxaana qaraxa kadib xigan weerar xooggan oo dhaxmaray ciidamadii galbinayay guddoomiyaha iyo rag  hubeysan oo loo maleynayo in ay ka tirsan yihiin Al-shabaab.

Wararka ayaa sheegaya in uu jiro khasaare iyo dhimasho iyo dhawacba leh oo soo gaaray dhinaca saraakiishii la soctay kolonyada la weeraray.

Guddoomiyaha iyo saraakiisha ciidan ee la weeraray ayaa ku sii jeeday degmada Wanlaweyn ee gobolka Shabeellaha hoose halkaa oo maalmihii ugu danbeeyayba ay ka taagneyd xiisad colaadeed.

Cabdiraxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]