3/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Jan 15, 2021
Al-shabaab oo dagaal kula wareegtay deegaanno ka kala tirsan Galguduud iyo Mudug

 

Jimco, Janaayo, 15, 2021 (HOL) - Wararka  laga helayo deegaanka Ceeldheere oo qiyaastii 30km u jira degmada Dhuusa-Mareeb ee gobolka Galguduud ayaa sheegaya in dagaal kooban oo xalay halkaa ka dhacay kula wareegeen xoogagga Ururka Al-shabaab.

Ciidamo Booliis ah oo ku sugnaa saldhig deegaanka iyo Barkootarool oo la dagaalamay Al-shabaab ayaa markii danbe looga itaal roonaaday, waxaana lagu soo waramyaa in goobta ay ku dhinteen labo Askari oo ka tirsanaa ciidamadii la dagaalamay Al-shabaab halka labo kalana ay dhaawacmeen.

Dhinaca kale wararka ka imanaya deegaanka Tuulo Xoosh oo ka tirsan degmada Wisil ee gobolka Mudug ayaa lagu soo waramayaa in isla xalay xoogagga Al-shabaab la wareegeen kaddib dagaal dhaxmaray dadka deegaanka iyo Al-shabaab.

Deeganka Wisil waxaa gaaray ciidamo ka tirsan dowlad gobolleedka Galmudug oo uu hoggaaminayo Wasiirka Amniga Axmed Macalin Fiqi.

Ilaa iyo hadda ma jiro wax war ah oo ka soo baxay dhinaca dowlad gobolleedka Galmudug oo maamula deegaanadan la sheegay in ay la wareegeen Xarrakada Al-shabaab.

Cabdiraxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]   
















Click here
1/15/2021 3:06 PM EST
Jimco, Janaayo, 15, 2021 (HOL) - Maanta oo Jimco 15 January ayaa ku beegan waqtigii kama danbeysta ahaa ee madaxweynaha dalka Mareykanka Donald Trump uu u qabtay in ku dhawaad dhamaan ciidamada Mareykanka ee ku sugan dalka Soomaaliya laga soo saaro.

1/15/2021 11:27 AM EST
Jimco, Janaayo, 15, 2021 (HOL) - Maxamuud Muuse Xassan oo ka mid ah dadka u dhaqdhaqaaqa xuquuqda Soomaalida Mareykanka ayaa sheegay in saacadihii hore ee maanta dalka Mareykanka laga masaafuriyay ilaa 70 ruux oo Soomaali ah.

1/15/2021 6:48 AM EST
Jimco, Janaayo, 15, 2021 (HOL) - Madaxweynaha tallada haya ee dalka Uganda Yoweri Museveni ayaa ku horeeya codadka ilaa iyo hadda la tiriyay isaga waxaana ku soo xigga fannaanka da'dada yar ee sida weyn ay u loo lamayaan.

1/15/2021 6:24 AM EST
Jimco, Janaayo, 15, 2021 (HOL) - Isku soo bixi ugu ballaarnaa taariikhda inta la xasuusto oo ay dhigeen maamulka, shacabka iyo waxgaradka degmada ayeey ku dalbadeen dadka reer Xudur in laga dulqaado cunqabateynta muddada dheer saaran magaalada.

1/15/2021 1:53 AM EST
Jimco, Janaayo, 15, 2021 (HOL) - Wasiirka Wasaarradda Arrimaha Dibadda Xukuumadda Soomaaliya Maxamed Abdirisaaq Abuubakar ayaa ku eedeeyay dowlad gobolleedyada Punltand iyo Jubbaland in aysan raali ka aheyn in dalkan doorasho ka dhacdo.