4/16/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Jan 14, 2021
Ra'iisal Wasaare Rooble '' Shacabku kuma kalsoona Garsoorka dalka

 

Khamiis, Janaayo,, 14, 2021 (HOL) -  Ra'iisal Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Maxamed Xusseen Rooble oo khudbad ka jeediyay shir sannadeedka Garsoorka Soomaaliya ayaa sheegay in bulshada Soomaaliyeed ay ka cawdaan Garsoorka dalka.

Hay'addaha Garsoorka dalka ayuu uga digay in ay u cadaalad faliwaayeen bulshada Soomaaliyeed, isaga oo sheegay in dowladdu kordhisay miisaaniyada hay''addaha cadaalada si looga fogaado ayuu yiri musuqmaasuq iyo in laaluush la qaato.

''Aadan baan uga warhayaan cabashada bulshada, shacabka Muqdisho wey ka cawdaan hay'addaha Garsoorka, waan in aad noqotaan kuwii loo soo carari lahaa ee ma'aha in aad noqotaa kuwo laga cararo'' ayuu yiri Ra'iisal Wasaare Rooble.

Wuxuu sheegay in mas'uuliyiinta hadda joogta hay'addaha Garsoorka berri noqon doonaan dad shacab ah oo cadaalad u soo doonta maxkamadaha, sidaa daraadeed maanka ku hayaan in loola dhaqmi doono sida ay hadda dadka ula dhaqmaan.

Hadalka Ra'iisal Wasaaraha ayaa imanaya xili guud ahaan marka aad eegto dalka dadka shacabka intooda badan ku xukuntamaan Maxkamadaha ay maamulaan Al-shabaab, walow marar badan dowladdu ay arintan digniin ka soo saartay.

Cabdiraxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]