3/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Jan 14, 2021
Xafiiska caalamiga ah ee badaha oo ku baaqay in laga feejignaado burcad badeedda ka jirta xeebaha Soomaaliya
 

Khamiis, Janaayo,, 14, 2021 (HOL) - Hay'ad caalami ah oo ka shaqeysa arrimaha badaha ayaa ugu baaqday maraakiibta shisheeye inay feejignaadaan marka ay gudbayaan badda Carabta iyo Gacanka Cadmeed.

Inkasta oo ay hoos u dhacday burcad-badeednimadii ka jirtay xeebaha Soomaaliya, ayaa haddana hay'addu waxay sheegtay in ay qatarta burcad badeednimada weli ka jirta Gacanka Guinea.

Warbixintii ugu dambeysay ee ay soo saartay Rugta Ganacsiga Caalamiga ah ee Xafiiska Badaha Caalamiga ah (IMB) ayaa lagu sheegay in aysan jirin wax weerarro burcad-badeednimo oo la soo sheegay sannadihii 2019 iyo 2020.

Sannadkii 2018, IMB waxay sheegtay in saddex markab ay soo sheegeen in lagu rasaaseeyay Badda Cas, Gacanka Cadmeed, Soomaaliya, Badda Carabta iyo Badweynta Hindiya.

"In kasta oo fursadda dhacdooyinka ay yaraatay, haddana burcad-badeedda Soomaalida waxay wali leeyihiin awood iyo karti ay ku fuliyaan dhacdooyinka," ayay IMB ku sheegtay warbixinteeda sannadlaha ah ee burcad-badeednimada, iyadoo sheegtay in qatarta ay weli ka jirto biyaha ku teedsan Koonfurta Badda Cas, Gacanka Cadan. oo ay ku jiraan Yemen iyo xeebta waqooyiga Soomaaliya, badda Carabta, Gacanka Cumaan iyo xeebta bari iyo koonfurta Soomaaliya.

Sida laga soo xigtay IMB, burcad-badeedda Soomaalida waxay u muuqdaan kuwo si aad ah ugu hubaysan hub otomaatig ah, bambooyin gacmeedyo mararka qaarkoodna laga yaabo inay afduubtaan maraakiibta kalluumeysiga ama doomaha.

Falanqeeyayaasha ayaa sheegaya in hoos u dhaca ku yimid dhacdooyinka burcad badeeda ay tahay taageero amni oo la siiyay shirkadaha maraakiibta isticmaala badweynta Hindiya oo sanadihii la soo dhaafay bartilmaameed u ahaa burcad badeeda.

Dhanka kale, 135 shaqaale ah ayaa laga afduubtay maraakiibtooda sanadkii 2020 adduunka, iyadoo gacanka Guinea ay ka dhigan tahay in ka badan boqolkiiba 95 tirada shaqaalaha la afduubtay.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online
[email protected]












Click here
1/14/2021 12:55 PM EST
Khamiis, Janaayo,, 14, 2021 (HOL) - Ra'iisal Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Maxamed Xusseen Rooble oo khudbad ka jeediyay shir sannadeedka Garsoorka Soomaaliya ayaa sheegay in bulshada Soomaaliyeed ay ka cawdaan Garsoorka dalka.

1/14/2021 11:47 AM EST
Khamiis, Janaayo,, 14, 2021 (HOL) - Afhayeenka ciidanka Booliiska Soomaaliyeed Sadiiq Aadan Cali ayaa faah faahin dheeraad ah ka bixiyay iska horimaad maanta ku dhaxmaray deegaanka Jaziira ee dulleedka magaalada Muqdisho ciidamo ka tirsan dowladda Soomaaliyeed iyo koox maleeshiyaad oo uu burcad ku tilmaamay.

1/14/2021 9:05 AM EST
Khamiis, Janaayo,, 14, 2021 (HOL) - Wasiir Ku-xigeenka Wasaarradda Arrimaha Gudaha maamulka Jubbaland Cabdiraxmaan Maxamed Xusseen ayaa guddoomiye cusub u magacaabay gobolka Gedo.

1/14/2021 8:37 AM EST
Khamiis, Janaayo,, 14, 2021 (HOL) - Wakiilka gaar ah ee Qarramada Midoobey u qaabilsan arrimaha Soomaaliya James Swan oo warbaahinta kula hadlayay magaalada Baydhabo ayaa ka hadlay kulan uu la yeeshay madaxweynaha Koonfur Galbeed.

1/14/2021 7:32 AM EST
Khamiis, Janaayo,, 14, 2021 (HOL) - Sacuudi Carabiya ayaa uga digtay muwaadiniinteeda inay ogolaansho la'aan u safraan 12 dal oo uu saameeyay coronavirus, ilo rasmi ah oo ka tirsan Wasaaradda Arrimaha Gudaha ayaa sheegay.

1/14/2021 5:54 AM EST
Khamiis, Janaayo,, 14, 2021 (HOL) - Waxaa goor dhaw gaaray magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay wafdi uu horkacayo Wakiilka gaar ah ee Qarramada Midoobey u qaabilsan Soomaaliya James Swan.

1/14/2021 5:43 AM EST
Khamiis, Janaayo,, 14, 2021 (HOL) - Hay'adda Human Rights watch ayaa soo saartay warbixin sanadeed ku saabsan arrimaha Soomaaliya. Hay'adda ayaa diiwaangelisey 596 kiis oo ah dilka dad rayid ah, oo ay 296 kamid ah ka dambeeyaan Al-shaaab, horraantii bishii Ogosto August ee sanadkii hore ee2020.

1/14/2021 5:02 AM EST
Khamiis, Janaayo,, 14, 2021 (HOL) - Kaddib Qoraal uu dhawaan soo saaray Ra'iisal Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Maxamed Xusseen Rooble ayuu u xushay maamulka iyo socodsiinta howlaha doorashada Wasiiru-Dowlaha Xafiiskiisa Cabdixakiin Ashkir.

1/14/2021 4:39 AM EST
Khamiis, Janaayo,, 14, 2021 (HOL) -Booliska dalka Kenya ayaa bilaabay baadi goobka lix ka tirsan dagaalyahanadda Al-Shabaab oo Arbacadii weerarray gaar Bas ah oo marayay aaga degmada Wajeer oo u dhaw xadka Soomaaliya.

1/14/2021 2:20 AM EST
Khamiis, Janaayo,, 14, 2021 (HOL) -War ka soo baxay Taliska ciidanka Mareykanka ee AFRICOM ayaa lagu sheegay in howlgal ay ka kaashadeen iyaga iyo ciidanka dowladda Soomaaliya ka fuliyeen gobolka Baay gaar ahaan deegaan lagu magacaabo Buula Fuulaay.

1/14/2021 12:49 AM EST
Khamiis, Janaayo,, 14, 2021 (HOL) - Ra'iisal Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya ayaa sheegay in dowladdu damaanad qaadeyso nabadgayda Shaqaalaha Turkiga iyo Qadar ee ku howlan fulinta mashaariicda kala duwan gudaha dalka Soomaaliya.

1/14/2021 12:34 AM EST
Khamiis, Janaayo,, 14, 2021 (HOL) - Kaddib fadhi iyo dood adag oo ay ka yeesheen arintan xubnaha Kongreska dalka Mareykanka ayeey intooda badan isku raaceen soo jeedinta ah in xilka laga qaado madaxweyne Trump

1/14/2021 12:13 AM EST
Khamiis, Janaayo,, 14, 2021 (HOL) Maanta oo Khamiis ah aya lagu wadaa in shirka Golaha Wasiirradda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya la horgeeyo ilaa 15 safiir oo loo magacaabay dalal kala duwan oo caalamka ah si loo meelmariyo