4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Jan 14, 2021
Ra'iisal Wasaare Rooble oo meesha ka saaray doorkii Wasaarradda Arrimaha Gudaha ee Doorashooyinka dalka

 

Khamiis, Janaayo,, 14, 2021 (HOL) - Kaddib Qoraal uu dhawaan soo saaray Ra'iisal Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Maxamed Xusseen Rooble  ayuu u xushay maamulka iyo socodsiinta howlaha doorashada Wasiiru-Dowlaha Xafiiskiisa Cabdixakiin Ashkir.

Qoraalka Ra'iisal Wasaaraha  ayaa lagu sheegay in Wasiiru-Dowladiisu u xil saaran yahay dhamaanba Arrimaha la xiriira doorashooyinka dalka, isaga oo isku xiri doona, Xukuumadda, Dowlad Gobolleedyada iyo waliba Beesha Caalamka.

Sidoo kale Qoraal kooban oo uu soo saaray Afhayeenka Xukuumadda Maxamed Ibraahim Macalimu ayaa lagu sheegay in Ra'iisal Wasaare Rooble howlaha uu u xil saaray Wasiiru-dowlaha yihiin, Isku-daba-ridka, Farsamada iyo Socodsiinta Doorashada, balse go'aamada ugu danbeeya iyo ka tala-bixinta Arrimaha qaarkood ee la soo gudboonaada uu dib ugula soo noqon doono Ra'iisal Wasaaraha.

Labadan Qoraalba marka aad eegto waxaa ay gabi ahaanba meesha ka saarayaan doorkii Wasaarradda Arrimaha Gudaha iyo Federaalka Xukuumadda Soomaaliya oo sharciyan aheyd in ay iyadu hoggaamiso howlaha Doorashada balse aan la soo hadal qaadin kaalinta ay ku leedahay.

Wasiirradii hore ee Wasaarradda Arrimaha Gudaha Dowladdihii tan ka horeeyay ayaa iyagu door iyo kaalin muuqata ku lahaa maamulka iyo socodsiinta howlaha Doorashada,, hasse ahaatee Xukuumadda hadda jirta ayaa qaadatay tallaabo taa ka duwan oo ah in doorashadan muranka badan uu ka taaggan yahay u xil saarato shaqsiga markaa ay u arkayaan in siyaasad ahaan ay aad isugu dhaw yihiin, iyaga oo aan u eegin mudnaanta iyo sida ay Wasaarraduhu howlaha u kala leeyihiin.

Cabdiraxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]