4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Jan 12, 2021
Muuse Biixi '' Gef ayeey nagu tahay in shaqsiyaad shaqo taggay lagu tilmaamo xildhibaanno Somaliland ah

 

Talaado Janaayo,12, 2021 (HOL) - Madaxweynaha Soomaaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa si adag uga soo horjeestay doorashada xildhibaannada Soomaaliland ku matala dowladda dhexe oo lagu waddo in doorashadoodu ku dhacdo gobolka Banaadir.

Muuse Biixi ayaa marka hore Soomaaliya u rajeeyay kheyr iyo barwaaqo, hasse ahaatee waxaa uu sheegay in looga baahan yahay sida uu hadalka u dhigay muxaafid iyo mucaarad intaba in ay iska daayaan ku celcelinta erayga ah [xildhibaannada Soomaaliland] oo ah ayuu yiri gef iyo qalad weyn oo laga galiyo  Soomaaliland oo sida uu hadalka u dhigay 30 sano ka hor ka go'day Soomaaliya inteeda kale.

''Midowga mucaaridka ah ee muqdisho jooga iyo madaxweynahooda iyo gobolladooda mid baan u dirayaa ,marka aad leedihii xildhibaanno Soomaaliland ah ayaa waxaa lagu doranayaa Xamar ....Miyeeydaan Alle ka yaabeey... sow taasi gef cad ma'aha'' ayuu yiri Muuse Biixi 

Madaxweynaha Soomaaliland ayaa ku tilmaamay mas'uuliyiinta gobollada Waqooyi ee ku sugan magaalada Muqdisho kuwo shaqo taggay oo ah Jaaliyad Soomaaliland  ah''  War dad soo shaqo taggay oo la mid ah Jaaliyadaha dalalka kale jooga ee Soomaaliland ee Beecmushtarka ku heysta miyaad xildhibaanno iyo mas'uuliyiin ku tilmaameysaan waliba kuwooda ugu waaweyn oo aan garaneyno marka ay halkaa lacagaha ka soo uruursadaan Hargeysa ayeey ku guryo ka dhistaan'' ayuu hadalkiisa sii raaciyay.

Wuxuu ugu baaqay dowladda Soomaaliya in ay ixtiraamto daris wanaaga iyo wada-noolasha ka dhaxeeya sida uu hadalka u dhigay Labada dal oo uu la jeedo Soomaaliya iyo Soomaaliland, isaga oo intaa raaciyay in magaalada Hargeysa ku sugan yihiin Jaaliyad Soomaaliyeed oo ganacsi ku heysata si la mid ah ayuu yiri kuwa gobollada Waqooyi ee ku sugan Xamar.

Ugu danbeyntii waxaa uu fariin u dirray mas'uuliyiinta ka soo jeeda gobollada Waqooyi ee ka tirsan Dowladda Soomaaliya oo uu ugu baaqay in aysan qaadan kalmadaha noocaa oo kale ah.

Cabdiraxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]