4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Jan 11, 2021
Isimada Puntland oo baaq kasoo saaray khilaafka doorashada ka taagan
 

Isniin, Janaayo, 11 2021 (HOL) - Isimada Puntland ayaa baaq kasoo saaray khilaaf siyaasadeed ee ka taagan arrimaha muragaysan ee doorashada Soomaliya, kadib markii ay Garowe kulan kula yeesheen madaxweynaha Puntland, Siciid Deni.

Isimada ayaa ugu baaqay madaxda dowladda federalka, dowlad goboleedyada iyo sidoo kale murrashixiinta in ay u turaan shacabka Soomaaliyeed ee kasoo daalay dhibaatada iyo khilaafka soo noqnoqday.

Waxay Isimada oo Garowe iskugu yimid ayaa talo kusoo jeediyay in la muujiyo isku tanaasul islamarkaana waxay ka digeen in xukunka xoog lagu raadiyo dalkana dib loo celiyo. Waxay si gaar ah Puntland ugu baaqeen in aysan marnaba doorashada ka baaqsan. 

Boqor Burhaan Boqor Muuse oo hoggaaminayay Isimada la kulmay madaxweyne Deni, ayaa sheegay in ay madaxweynaha kala hadleen in khilaafka la dhameeyo, xal guudna la isku yimaado.

“Waxaan Muqdisho kula kulmay madaxweynaha Soomaaliya, wuxuu iga ballanqaaday inuu diyaar u yahay sidii ay u qabsoomi lahayd doorasho lagu kalsoon yahay. Waxaan kaloo la kulmay madaxweyne Deni iyo madaxweyne Axmed Madoobe, waxay ii ballanqaadeen in ay diyaar u yihiin in xal laga gaaro khilaafka doorashada,” ayuu yiri boqor Burhaan.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online
[email protected]