4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Jan 1 , 2021
Xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka Jubbaland oo Qarax lagu dilay magaalada Kismaayo

 

Jimco, Janaayo, 01, 2021 (HOL)-Waxaa fiidnimadii caawa magaalada Kismaayo qarax loogu xiray gaarigiisa lagu dilay xildhibaan khaliif Haashim oo ka tirsanaa Baarlamanka Dowlad Gobolleedka Jubbaland sida ay HOL u sheegeen dad ku sugan Kismaayo.

Goobjoogayaasha ayaa sheegay in xildhibaanku uu ka soo baxay gurigiisa isaga oo wattay gaari oo uu lahaa, laakiin daqiiqado kaddib uu la kulmay qaraxan oo ahaa nooca baabuurta lagu dhajiyo.

Ciidamada maamulka Jubbaland oo goobta taggay ayaa bilaabay baaritaanno la xiriira qaraxa hasse ahaatee ma jirto lamana sheegin dad loo soo xiray 

Markiiba waxaa mas'uuliyada Qaraxan sheegtay in ay iyagu ka danbeeyeen xoogagga Ururka Al-shabaab.

Madaxweynaha Dowlad Gobolleedka Jubbaland Axmed Madoobe ayaa ka tacsiyeeyay geerida xildhibaan Haashin oo ka mid noqonaya mas'uuliyiin kala duwan oo horay qaraxyo loogu dilay gudaha magaalada Kismaayo.

Cabdiraxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]