4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Jan 1 , 2021
Dowladda Soomaaliya oo cambaaraysay weerarkii Xuutiyiinta ku qaadeen garoonka diyaaradaha ee Cadan
 

Jimco, Janaayo, 01, 2021 (HOL) - Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa cambaareysay weerarkii ay Xuutiyiinta ku qaadeen garoonka diyaaradaha ee Cadan xilli uu ra’iisul wasaaraha dalka iyo mas’uuliyiin kale oo ka tirsan dowladda ay ka yimaadeen Sacuudiga.

Illaa 20 qof ayaa ku dhimatay weerarkaas dhimashada badan dhaliyay. Ra’iisel wasaare Maeen Abdulmalik Sa’id wuxuu sheegay inuu fiican yahay, laakiin dhowr masuuliyiintiisa kamid ah ayaa la sheegay in la dilay.

“Dowladda Federaalka ee Soomaaliya waxay cambaareyneysaa weerar ka kooban saddex qarax oo 30kii Diseembar lala beegsaday garoonka diyaaradaha ee Cadan, Yemen, kaas oo sababay dhimashada iyo dhaawaca tobanaan qof oo rayid ah oo aan waxba galabsan. Wasaaradda Arrimaha Dibadda waxay xaqiijineysaa in Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ay garab taagan tahay Yemen, ”ayaa lagu yiri war ka soo baxay wasaaradda arrimaha dibadda.

Dowladda ayaa ku eedeysay fallaagada Xuutiyiinta oo dagaal kula jira dowladda uu sacuudiga taageero inay ka dambeeyeen weerarka.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online
[email protected]