3/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Jan 1 , 2021
Madaxweyne Farmaajo oo saxiixay sharciga miisaaniyada dowladda sanadka 2021 oo ay meelmariyeen G Shacabka

 

Jimco, Janaayo, 01, 2021 (HOL) - Madaxweynaha Dowladda Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa saxiixay sharciga Miisaaniyadda Dowladda ee 2021 oo ay hore u soo ansixisay Golaha Xukuumadda Federaalka, ayna meelmariyeen Xildhibaannada Golaha Shacabka.

Madaxweynaha ayaa boggaadiyey Xildhibaannada Golaha Shacabka sida xilkasnimada leh ee ay u guteen waajibaadka dastuuriga ah ee kaga aaddanaa Miisaaniyadda cusub ee dalka oo la kordhiyey, iyagoona ku ansixiyey cod aqlabiyad leh.

Madaxweynaha ayaa uga mahadceliyey Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo khubarada dhaqaalaha Soomaaliyeed diyaarinta iyo jaangoynta miisaaniyad ka turjumeysa baahiyaha ay qabaan shacabka Soomaaliyeed.

Madaxweyne Farmaajo oo dul-istaagay kororka miisaaniyadda Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa faray Xukuumadda in ay xoogga saarto dardargelinta adeegyada bulshada, kobcinta fursadaha shaqo ee dhallinyarada iyo xaqiijinta mushaaraadka shaqaalaha Dowladda iyo Ciidamada Qalabka Sida.

Cabdiraxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]    













Click here
1/1/2021 3:20 PM EST
Jimco, Janaayo, 01, 2021 (HOL)-Waxaa fiidnimadii caawa magaalada Kismaayo qarax loogu xiray gaarigiisa lagu dilay xildhibaan khaliif Haashim oo ka tirsanaa Baarlamanka Dowlad Gobolleedka Jubbaland sida ay HOL u sheegeen dad ku sugan Kismaayo.

1/1/2021 10:45 AM EST
Jimco, Janaayo, 01, 2021 (HOL) - Kaddib toddobaadyo isku dhac ah Sudan waxaa ay sheegtay in ay gabi ahaanba gacanta ku dhigtay dhamaanba dhulkii ay horey uga heysatay Itoobiya kuwaa oo ku yaala xudduuda labada dal ay wadaagaan.

1/1/2021 6:33 AM EST
Jimco, Janaayo, 01, 2021 (HOL) - Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa cambaareysay weerarkii ay Xuutiyiinta ku qaadeen garoonka diyaaradaha ee Cadan xilli uu ra’iisul wasaaraha dalka iyo mas’uuliyiin kale oo ka tirsan dowladda ay ka yimaadeen Sacuudiga.

1/1/2021 3:23 AM EST
Jimco, Janaayo, 01, 2021 (HOL) Hoggaamiyaha Xisbiga Wadajir ahna musharax u taaggan xilka madaxweynaha Soomaaliya ayaa mar kale si adag uga hadlay xaalada magaalada Beledweyne oo sida uu sheegay waxa ka soconaya aan loo dul qaadan karin.