4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Oct 8 , 2020
Madaxweynaha dowlad deegaanka Soomaalida Ethiopia oo magacaabay guddi baara sababta geerida Cali Khaliif
 

Khamiis, October 8, 2020 (HOL) - Madaxweynaha dowlad deegaanka Soomaalida Ethiopia, Mustafe Muxamed Cumar (Cagjar), ayaa sheegay inuu magacaabay guddi baaritaan oo eegaya sababta ka dambeysay geerida raysal wasaarihii hore ee Soomaaliya, Cali Khaliif Galaydh.

Cali Khaliif Galaydh ayaa maanta si kedis ah ugu geeriyooday magaalada Jigjiga welina lama shaacin sababaha uu u geeriyooday. Geeridiisa ayaa aad looga dareemay Soomaaliya oo idil.

Madaxweyne Mustafe Cagjar ayaa qoraal uu soo dhigay bartiisa Facebook ku sheegay inuu magacaabay guddi u xilsaaran baadhitaanka habka geerida marxuum prof Cali Khaliif galaydh, kahor intaan la'aasin.

Marxuumka ayaa maalmihii ugu dambeeyay ku sugnaa magaalada Jigjiga, lama oga inuu xanuunsanaa iyo in kale. Qoyskiisa ayaa laga sugayaaa inay bixiyaan macluumaad ku saabsan halka lagu aasayo.

Mustafe Cagjar wuxuu sheegay marxuumka inuu ku yaqaanay inuu ahaa Siyaasi Rugcadaaya, wadaniya, jecel horumarka Soomaalida.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online
[email protected]