4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Oct 7 , 2020
Qarax khasaaro geystay oo lala beegsaday ciidamo ka tirsan dowladda Soomaaliya
 

Arbaco, October 7, 2020 (HOL) - Wararka laga helaayo degmada Balcad ee gobolka Sh/dhexe ayaa sheegaya in qarax miino oo dhulka lagu aasay ay la kacday gaari ay saarnayeen ciidamada dowladda Soomaaliya.

Wararka ayaa sheegaya in gaariga miinada la kacday ay saarnayeen ilaalada gaarka ah ee guddoomiyaha degmada Balcad waxaana qasaare dhimasho iyo dhaawacba leh uu soo gaaray ciidamadii saarna gaariga.

Warar hordhac ah oo ay heshay Shabakadda wararka HOL ayaa sheegaya in dhamaan askartii saarneed gaariga miinada haleeshay ay noqdeen ku dhintay iyo kuwa dhaawacmay inkasto ilaa hadda aysan jirin war rasmi ah oo kasoo baxay maamulka degmada Balcad oo la xariira qasaaraha dhabta ah ee ka dhashay qaraxa miino.

Dhaqdhaqaaqa Al-shabaab ayaa inta badan weeraro toos ah iyo kuwa gaadma ah la beegsada ciidamada dowladda Soomaaliya xiliyada ay ku safrayaan waddooyinka xariirsha magaalooyinka Jowhar iyo Muqdisho.

Jamaal Cali Cabdi, Hiiraan Online
[email protected]