4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Oct 7 , 2020
Dowladda Soomaaliya oo amartay in baaritaan lagu sameeyo shaqaalaha dowladda
 

Arbaco, October 7, 2020 (HOL) - Wasaaradda shaqada iyo arrimaha bulshada Soomaaliya ayaa amartay in hay’adda nabad sugida ay hubin amni ku sameyso dhammaan shaqaalaha dowladda.

Tallaabadaan oo ah mid aan horey u dhicin, ayaa lagu sheegay in looga golleeyahay sidii looga hortagi lahaa wax kaste oo Qatar ku ah amniga guud.

Hay’adda nabad sugida ee NISA ayaa shaqaale kasta goobtiisa shaqo ugu tagidoonta, si loola yeesho wareysi amniga ku saabsan, waxaana wasaaraddu sheegtay in laga maarmay in shaqaalaha loo diro xabsigii hore Jillacow, si halkaan loogu soo baaro.

Lama oga ujeedada xilligan kusoo beegtay go’aankaan, hase yeeshee dowladda Soomaaliya ayaa shaki weyn ka qabta in shaqaalaha dowladda ay ku jiraan shakhsiyaad katirsan ama u shaqeeya Al-shabaab.

Haatan waxaa xabsiyada dowladda ku jira shaqaale dowladdeed oo la shaqeeya Al-shabaab, kuwaas oo la wadaagi jiray xogta iyo macluumaadka dowladda.


Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online
[email protected]