4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Oct 31, 2020
Ganacsato Soomaaliyeed oo lagu dilay dalka Koonfur Africa

 

Sabti, October, 31, 2020 (HOL)- Wararka naga soo gaaraya dalka Koonfur Africa ayaa sheegay in kooxd burcad ah toogasho ku dishay Labo muwaadin Soomaaliyeed ah deegaanka Cosmos oo ka tirsan Johannesburg.

Sida ay warbaahinta u sheegeen ganacsato ku dhaqan deegaanka ay toogashada ka dhacday Labada dhalinyarrada ayaa lagu kala magacaabi jiray Cabdisalaan iyo Qeys, waxaana goobta isaga baxsaday kooxdii toogashada geysatay.

Isla deegaanka ay toogashada ka dhacday ayaa lagu waramayaa in koox burcad ah dhaawac halis ah ugu geysteen ganacsade kale oo Soomaaliyeed, kaa oo hadda lagu dabiibayo goob caafimaad.

Ciidamo ka tirsan kuwa Booliiska ee dalka Koonfur Africa ayaa goobta gaaray, kuwaas oo sameeyey baaritaano kooban, balse ma jirto cid ay u soo qabteen weerarkaasi.

Dalka Koonfur Africa ayaa inta badan lagu bartilmaameedsadaa ganacsada Soomaaliyeed iyadoo dowladdu-na ilaa iyo hadda wax talaabo ah arintan ka qaadin.

Cabdiraxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]