4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Oct 1 , 2020
Qaar kamid ah weriyayaashii kasoo shaqeeyay Raadiyow Muqdisho oo ka hadlay taariikhda Weriye Cabdikhaadir Mursal
 

Khamiis, October 1, 2020 (HOL) - Allaha U Naxariistee waxaa dalka Mareykanka ku geeriyooday saxafigii weynaa ee Cabdikhaadir Maxamed Mursal oo kamid ahaa weriyayaasha ruug caddaaga ahaa ee muddada dheer ka howl-galayay saxaafadda Soomaaliyeed.

Geeridiisa ayaa timid kadib markii muddo bil ku siman uu ku xanuunsanaa Saint Paul, Minnesota,  Waxaana geeridiisa warbaahinta u xaqiijiyay xubno kamid ah qoyskiisa .

Cabdikhaadir Maxamed Mursal wuxuu ahaa xeel-dheere , muddo fog kamid ahaa tiirarka ay ku taagantahay saxaafadda Soomaaliyeed, wuxuu ahaa qoraa iyo qalin maal, si weyn u sameyn jiray sheekooyinka taxanaha ah, ee ka bixi jiray warbaahinta dalka, gaar ahaan Radio Muqdisho.

Shukri Maxamuud Afrax oo kamid aheyd saxafiyiintii kala soo shaqeeyay xilligii dowladdii kacaanka warbaahinta qaranka  ayaa ku tilmaantay in Mursal uu ahaa shakhsi qiima weyn ugu fadhiya Umadda Soomaaliyeed iyo guud ahaanba bahda Warbaahinta.

“Anigoo yar ayaan dhageysan jiray Mursal, waxaan xusuustaa dadka oo xilliyada duhurkii ah inta fadhiista hooska guryaha iyo geedaha hoostooda dhageysanaya sheekadii taxanaha aheyd ee ka bixi jirtay Raadiyow Muqdisho ee uu Cabdikhaadir sameeyay, taas oo la oran jiray {Olol & Hooyadiis}’  ayey Shukiri Maxamuud Afrax u sheegtay Hiiraan Online.

“Runtii wuxuu ahaa shakhsi cajiib ah, dulqaad badan, oo Af gaaban” ayey hadalkeeda ku dartay.

Cabdikhaadir Mursal wuxuu ahaa soo saaraha Barnaamijyo aad looga dhageysan jiray Soomaaliya, xilligii uu ka shaqeynayay warbaahinta qaranka, ka hor bur burkii dowladdii dhexe, waxa uuna soo saari jiray Barnaamijyada Daljir oo arrimaha ciidamada dalka looga hadli jiray iyo Barnaamijka Dalmar oo dadka jaaliyadaha dibadda ah  ay salaamahooda iyo farriimahooda ugu soo diri jireen Idaacadda.

“Markii aan ku biiray Idaacadda, Barnaamijka Dalmar aniga ayaa soo jeedin jiray, waxaana soo saare ka ahaa Cabdikhaadir Maxamed Mursal, wuxuu ahaa Barnaamij aad loo jeclaa, waxaana la billaabay markii Idaacaddu gaartay Afrika iyo Aasiya” ayey Shukri Afrax u sheegtay HOL mar kale.

Waxa uu soo noqday madaxii Barnaamijyada iyo agaasimaha raadiyow Muqdisho, waxa uu inta warbaahinta qaranka uu ka shaqeynayay uu soo gacan qabtay fannaaniin badan uu kamid yahay hobolka Cabdkhaadir Maxamed Yuusuf Jubba.

“Mursal wuxuu ahaa qof, markii uu wax qoro aan laga daalin akhriskooda, waxa uu la mid ahaa sida Saciid Saalax Axmed oo kale, runtii wixii ay qoraan, adiga oo jecel ayey kaa dhammaanayaan, wuxuu ahaa hal-abuur qalin macaan” ayey Shukri Afrax tiri xilligii ay ka warrameysay Allaha U Naxariistee taariikhda Cabdikhaadir Maxamed Mursal.

Waxaa uu ahaa sidoo kale, dadka ku wanaagsan sameynta sawir gacameedyada, waxaa sawirrada uu sameeyo lagusoo bandhigi jiray Wargeyskii Xiddigta Oktoobar ee kasoo bixi jiray Soomaaliya xilligii kacaanka, sawirradaas waxaa sidoo kale wargeyska kusoo bandhigi jiray Cabdi Gaab iyo Amiin Caamir.

Bur- burkii kadib iyo howlahiisii saxaafadda

Markii ay dhacday dowladdii kacaanka ee uu hoggaaminayay Allaha U Naxariistee Maxamed Siyaad Barre, waxa uu Cabdikhaadir Mursal kaalin togan oo wax ku ool ah uu ku lahaa howlaha saxaafadda Soomaaliyeed, waxa uu u qaxay dalka Kenya, gaar ahaan magaalada Nairobi.

Waxa uu kamid ahaa dadkii wax ka aas-aasay laanta Afka Soomaaliga ah ee Idaacadda Iqra oo ku taalla Nairobi oo illaa iyo hadda la dhageysto, islamarkaana uu maamulo rug caddaa saxaafadeed Yaasiin Ciise Wardheere.

Waxa uu sidoo kale uu kasoo howl-galay Wakaaladda wararka Qaramada midoobe ee Arrimaha bani-aaddanimada ee IRIN, iyo idaacadda markii dembe magaceeda loo bedalay Ergo.

Cabdikhaadir Maxamed Mursal, waxa uu sidoo kale gacan ka geystay tayeynta aqoonta saxafiyiinta dhalin-yarada ah ee kusoo biiraya mihnadda saxaafadeed.

Dhowr sano ka hor ayuu ka guuray dalka Kenya , isaga oo u wareegay Mareykanka. Waxa uuna weli inta uusan dhiman uu kaalin weyn ku lahaa shaqada warbaahinta Soomaaliyeed.

Sida uu baahiyay telefashinka qaranka Soomaaliyeed ee SNTV, Mursal wuxuu ifka uga tegay 12 carruur ah.

Sida qoyskiisu u sheegay warbaahinta qaranka, waxaa lagu aasi doonaa waddanka Mareykanka.

Abdiaziz Ahmed Barrow, Hiiraan Online
[email protected]