4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, July 15, 2020
Xaliimo Yarey “Waan soo dhoweyneynaa war murtiyeedka madaxda maamul Goboleedyada, laakiin waxaan aaminsannahay in la qaban karo doorasho qof iyo cod ah”
 

Arbaco, Luulyo 15, 2020 (HOL) - Guddoomiyaha Gudiga madaxa-bannaan ee doorashooyinka qaranka Soomaaliya  xaliimo Ismaaciil “Xaliimo Yarey” ayaa waxay ka hadashay hadalkii dhowaan kasoo baxay madaxda maamul Goboleedyada  dalka, ee ahaa in Soomaaliya aysan ka dhici karin doorasho qof iyo cod ah oo waqtigeeda ku qabsoonta .

Xaliimo Ismaaciil ayaa waxay sheegtay iney soo dhoweyneyso hadalka madaxda maamul goboleedyada, islamarkaana ay ku shaqeynayaan Guddi ahaan , wixii ay si waafiya iskula qaataan madaxda dowladda ,  kuwa maamul goboleedyada iyo guud ahaan saamileyda siyaasadda Soomaaliya .

Wareysi gaar ah oo ay siisay Laanta Afka Soomaaliga ee VOA-da ayaa waxay xaliimo Yarey tilmaantay in haddii sida ay horay u sheegeenba la siiyo waqti ay dalka ka qaban karaan doorasho qof iyo cod ah .

Dhinaca kale waxay meesha ka saartay in ka Guddi ahaan sida dadka qaar ay qabaan ay ku fashilmeen qabashada doorashadii laga filayay, iyadoo ku adkeysatay in ay qaban karaan doorasho hufan oo ku dhacda waqtigii loogu tala-galay.

“Haddii doorasho qof iyo cod ah aan la isla qaadan, wixii kasoo hara waxaa la dhahaa xulashada dad badan, waxayna xitaa taas u baahantahay waqti “ ayeey Wareysigeeda ku sheegtay.

Dabayaaqada sanadkaan 2020-ka waxaa la filayaa in Soomaaliya ay ka dhacaan doorashooyinka Baarlamaannada , iyadoo bilowga sanadka lagu wado in la qabto doorashada madaxweynaha, hase-ahaatee waxaan weli la isla qaadan nooca doorasho ee uu dalku gelayo.

Abdiaziz Ahmed Barrow, Hiiraan Online
[email protected]