4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Jan 5 , 2020
Soomaaliya oo markii ugu horreysay yeelaneysa sharciga hay’adda Duulista Rayidka

 

Axad, Janaayo, 05, 2020 (HOL)- Hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliyeed ayaa markii ugu horreysay yeelaneysa taariikhda sharci dhameystiran laga soo bilaabo tan 1960kii sida uu warbaahinta u sheegay maareeyaha hay’adda duulista rayidka Axmed Macalin.

‘’Marka laga soo bilaabo 1960kii oo ay Soomaaliya xoriyada qaadatay [Civil Aviation] Soomaaliya ma laheyn sharci dhameystiran oo gudan kara waajibaadkiisa Qaran iyo kan caalamiga ah intaba, Madaxweyne Siyaad Barre ayaa markii ay dowladdu dhici rabtay ayuu Dikreeto u soo saaray sharcigan oo wali isaga oo Baarlamaanka hor yaala dowladdii ay meesha ka baxday 1991kii’’ ayuu yiri Maareeyaha haya’dda duulista Rayidka Soomaaliyeed Axmed Macalin.

Dowladdihii ka danbeeyay xiligaa ee dalka soo maray ayuu sheegay in ay la daalaa –dhacayeen mashkalado ka waaweyn meel marinta sharcigan oo ah dib u dhiska hay’addihii kale ee aas-aasiga u ahaa dowladnimada ,sidaa daraadeed ayuu sheegay in dowladdan uu madaxweynaha ka yahay Maxamed Cabdullaahi Farmaajo hadda fursad u heshay in ay sharcigan sameyso.

Xildhibaannada Golaha Shacabka ayaa shalay oo Sabti aheyd meel mariyay sharciga hay’adda duulista Rayidka Soomaaliyeed iyadoo Afar bilood ka hor hay'addan uu Dikreeto ku soo saaray madaxweynaha Soomaaliya.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]