4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Jan 4 , 2020
Aqalka sare oo guddi gaar ah u saaray kasoo talo bixinta sharciga doorashooyinka qaran
 

Sabti, Janaayo, 04, 2020 (HOL)- Barlamaanka aqalka sare ee Soomaaliya ayaa guddi ka kooban 7 Xubnood ah u xil saaray inay kasoo talo bixiyaan sharciga doorashooyinka Qaran ee dalka.

Sharcigaan ayaa dhowaan waxaa meel mariyay golaha Shacabka, kadib markii lagu sameeyay dib u eegis, waana sharciga la doonayo in lagu maamulo doorashooyinka soo socda ee Soomaaliya.

Sida ku xusan qoraalka, guddigaan waxay si qoro dheer uga baarandagidoonaan hindise sharciyeedka doorashooyinka, iyagoo ka eegaya inuu waafaqsan yahay dastuurka kmg ah ee Soomaaliya.

Guddigaan oo ah guddi kumeel gaar ah ayaa shaqayndoona inta ay barlamaanka aqalka sare ugasoo gudbinayaan warbixin faahfaahsan oo ku saabsan sharciga doorashooyinka.

Sharciga cusub ee Soomaalia ayaa loogu talo galay;

1. In lagu maamulo doorashooyinka labada Aqal ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya;

2. In uu tilmaamo habraaca Doorashada Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya si waafaqsan Dastuurka Federaalka;

3. In lagu hirgaliyo doorashooyin qof-iyo-cod ah oo xor iyo xalaal ah, toos ah, codkuna yahay qarsoodi, kana maran cabsi gelin, loona maamulay si madaxbannaan, dhexdhexaad ah, oo hufan.



Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online
[email protected]