4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Jan 29, 2020
Safaarada Ingiriiska ee Soomaaliya oo abaal marisay suxufiyiin ku guulaystay tartan ay qabatay sanadkii hore


Arbaco, Janaayo, 29, 2020 (HOL)- Safaaradda Ingiriiska ee Soomaaliya, ayaa maanta magaalada Muqdisho ku abaalmarisay  4 saxafi oo ku guulaystay tartan sanadkii hore loo galay diyaarinta sheekooyin laga sameeynayay arrimaha horumarka dalka.

Suxufiyiintaan guulaystay waxay kasoo dhex baxeen tiro weriyaal ah oo ka qeyb qaatay tartankaan oo muhiimadiisu ahayd in saxafiyiinta ku cusub saxaafada lagu dhiirri galiyo tubta toosan ee saxaafada.

Safiir ku xigeenka safaaradda Ingiriiska ayaa sheegay farriinta ay xambaarsan tahay abaal matrintaan in ay tahay in dowladda Ingiriiska ka go’an tahay taageerada xoriyada warbaahinta

Xoghayaha ururka iskutagga saxafiyiinta Soomaaliyeed ee FESUJ, Maxamed Ibraahim Macalimow,  ayaa abaalmarintaan  inay aaminsan yihiin in ay kor uqaadayso mihnnada saxaafad iyo in weriyayaasha ay ku tartamaan sheekooyinka horumarka dalkooda.

Wasiirka warfaafinta Soomaaliya, Maxamed Cabdi Xayir Maareeye, ayaa tilaabo wanaagsan ku tilmaamay in dowladda Ingiriisku la timid aragtida ku saabsan in weriyayaasha lagu abaal mariyo sheekooyinka wax dhisaya.

Weriyayaasha Soomaaliyeed ayaa inta badan lagu dhaliilaa in aysan ahmiyad siinin tebinta sheekooyinka horumarka waddankooda, taas bedelkeedna ay ku mashquulaan sheekooyinka arrimaha siyaaasada iyo colaadaha sida Qaraxyada iyo dagaalada.

Waxa kaloo dhaliishan qeyb ka ah ururada saxaafada iyo dowladda oo aan weriyaasha u sameynin barnaamijyo lagu abaal marinayo weriyaha wanaagsan iyo warbaahinta  wax dhista.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online
[email protected]