4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Jan 29, 2020
Wadada laamiga ah ee isku xidha Jigjiga ilaa Diridhabe oo maanta xirnayd

Arbaco, Janaayo, 29, 2020 (HOL)-Sida wararku sheegayaan waxaa maanta xirnayd wadada laamiga ah gaar ahaan jidka laamiga ah ee mara magaalooyinka Haramaya iyo Awaday kaddib rabshado ay Oromadu aaggaas ka bilaabeen.

Dhalinyarta Oromada ayaa waddooyinka xirtay, iyagoo ka caraysan xaaladda ka taagan gobolka Wallaga oo ay sheegeen in ciidanka qaranku dhibaatooyin ba'an ka wadaan gobolkaas.

Geesta kale waxaa iyaguna xirnaa maanta dukaamada iyo goobaha ganacsi ee meelo badan oo ka tirsan degaanka Oromiya, sidoo kale magaalada Diridhabe gaar ahaan meherado ku yaal suuqa Konel ayaa iyaguna maanta xirnaa.

Dawladda ayaan iyadu wali ka hadlin xaaladdan maanta soo korodhay, marka laga reebo ciidamo tiro badan oo maanta lagu soo daadiyay magaalooyinka Haramaya, Awaday iyo waliba qaybo kamid ah magaalada Diridhabe.

Xaaladdan maanta ayaa sida ilo xogagaal ahi sheegayaan waxay xirnaan doonaan waddooyinku ilaa saddex maalmood haddii aysan dawladdu xoog ku furin waddooyinka xiran.

Hiiraan Online