4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Jan 29, 2020
Sheekh Maxamed Shaakir Cali Xassan oo loo doortay madaxweynaha maamulka Galmudug garabka Ahlu Sunna

 

Arbaco, Janaayo, 29, 2020 (HOL)-Doorasho ka dhacday degmada Dhuusa-Mareeb ayaa madaxweynaha Galmudug garabka Ahlu Sunna loogu doortay Sheekh Maxamed Shaakir Cali Xassan oo horay u ahaa hoggaamiyaha Ahlu Sunna Waljameeca.

Doorashada Sheekh Maxamed Shaakir Cali Xassan ayaa imaneysa xili khilaaf weyn uu maalmihii ugu danbeeyayba ka taagnaa hannaanka ay Dowladdu u maamuleyso doorashada madaxweynaha Galmudug oo ay siweyn uga soo horjeesteen garabka Ahlu Sunna Waljameeca iyo musharixiinta qaarkood.

Doorashada ayaa u dhacday hab gacan taag ah waxaana codeeyay xildhibaanno dhawaan looga dhawaaqay Galmudug oo ka tirsan garabka Ahlu Sunna Waljameeca.

Beesha caalamka ayaa xalay qoraal soo baxay waxaa a yka digeen kala qabsanaan ka dhalata doorashada Galmudug.

Lama oga tallaabada ay qaadi doonto Dowladda Federaalka Soomaaliya oo bilihii ugu danbeeyayba ku howlaneyd dhismaha Galmudug loo dhan yahay. 

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]