4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Jan 29, 2020
Ardayda Soomaaliyeed ee ku nool magaalada Wuhan oo ku xanniban qolalkooda jaamacadeed iyagoo dareemaya cabsi iyo kalinimo
 

Arbaco, Janaayo, 29, 2020 (HOL)- Ardayda Soomaaliyeed ee ku nool magaalada Wuhan ee dalka China ayaa sheegaya inay ku xanniban yihiin qolalkooda jaamacadeed iyagoo dareemaya cabsi iyo kalinimo.

Ardayda ayaa ka codsaday dowladda Soomaaliya inay ka caawiso sidii ay uga bixi lahaayeen magaalada Wuhan oo ah xudunta cudurka faafa ee coronavirus.

Yaasiin Cabdi Saciid, oo ka mid ah dhowr arday oo Soomaali ah oo khadka taleefanka kula hadlay Laanta Afka Soomaaliga ee VOA-da ayaa yidhi "Xaaladda Wuhan waa mid aad iyo aad khatar u ah." "Magaalada waa ay xiran tahay, dukaamada badankood way xiran yihiin. Mas'uuliyiinta ayaan u oggolaanayn qofna inuu baxo ama uu soo galo.

Saciid wuxuu intaas raaciyay inaysan jirin gaadiid dadweyne oo shaqeynaya, isbitaalladana ay buuxiyeen dadka qaba Fayraska dilaaga ah ee coronavirus..

Ridwan Maxamed Nuur, oo ah arday 22-jir ah, ayaa ku xanniban qolka jiifka ee jaamacadiisa shantii maalmood ee la soo dhaafay.

Mid ka mid ah 14 arday Soomaaliyeed ah oo dhigta Jaamacadda Wuhan, ayaa sheegay inuu ka tagey qolkiisa, si uu kaliya ugu lugeeyo albaabka hore ee jaamacadda, halkaas oo masuuliyiinta iskuulka ay maalin walba ku cunaan cuntada ardayda shisheeye.

"Qolkeyga kama tagi karo, waxaan aadi karaa kaliya ilaa albaabka si aan u helo cuntada," ayuu yidhi Nuur. "Waxaan ka baqayaa xitaa inaan furo daaqadda maxaa yeelay waxaan ka baqayaa in dabeyshu ay fayraska ku jirto,” ayuu hadalkiisa raaciyay.

Jaamacada ayaa la filayay in dib loo furo bisha Febraayo ka dib markii la xiray fasaxa sanadka cusub ee Shiinaha awgiis, laakiin mas'uuliyiinta ayaa u sheegay ardayda inay hadda filayaan inay sii xirnaanayso bil kale.

"Waxaan rabnaa in Wasaaradda Arimaha Dibadda ee dowladda Soomaaliya ay naga daadgureeyso, waxaan u baahanahay taageero deg deg ah," Nuur ayaa sidaas yidhi.

Ku dhawaad 34 Soomaali ah, oo badankood ah arday, ayaa ku xayiran jaamacadaha ku yaal Wuhan, mana jirto cid arrintooda u kacday oo isku xirta.

Ardayda Soomaaliyeed ee Shiinaha ku xanniban ayaa sheegay inay maalmaha soo socda nolasha ku qasbayso inay bannaanka usoo baxaan si ay wax ay cunnaan u raadsadaan.

Waxay ka codsadeen dowladda Soomaaliya inay gacan ka geysato sidii looga bixin lahaa Wuhan, xitaa haddii kaliya loogu daadgureynayo goobo kale oo Shiinaha ah.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online
[email protected]