4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Jan 29, 2020
Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Sadiq Warfa oo soo xiray bandhigga maalgalinta dhallinyarada Soomaaliyeed


Arbaco, Janaayo, 29, 2020 (HOL)- Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Xukuumadda Federaalka
Soomaaliya, Mudane Sadiq Xirsi Warfa ayaa soo xiray galinkii dambe ee Talaadada bandhigga maalgalinta dhallinyarada Soomaaliyeed oo labo maalmood ka socday caasimadda Muqdisho.

 "Run ahaantii waa inoo taariikhi dhammaanteen in aan weynayno inagoo ay inaga go’antahay in aan sii wadno halganka aynu dadkeena oga xoreynayno Fakhriga , shaqo la’aanta iyo sinnaan la’aanta." ayuu yiri.

"70% dalkeenu waxay ka yar yihiin da'da 35 sanno waxayna u baahan yihiin siyaasado firfircoon iyo barnaamijyo si ay uga qeyb qaataan dib u dhiska-qaranka iyo wax-soosaarka kuwaas oo ka badbaadiya ku dhicida falalka guracan." ayuu raaciyay wasiir Sadiq.

Bandhiggan ayaa lagu maalgelinaya 340 dhallinyaro Soomaaliyeed ah oo soo bandhigay hal abuur ganacsi oo guuleystay, waxaana maal gelinaysa Hay’adda Horumarinta Caalamiga ah ee Maraykanka (USAID) oo ku bixinaysa $1.6 Milyan, waxaana ka qayb qaadanaya qaar ka mid ah shirkadaha ganacsiga dalka.

"Dhallinyaradeenu waa mustaqbalka dalkan sidaa darteedna maalgelinta noocan oo  hay'adda USAID ay u sameysay waxay dhiirri-gelin doonta korna u qaaadi doonta dhallinyaro badan inay si firfircoon uga shaqeeyaan ganacsiga." ayuu ku daray wasiirka.

Gabagabadii, wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada wuxuu usoo jeediyay in kor loo qaado taageerada iyo dhiirrigalinta dhallinyarada Soomaaliyeed ,si buu yiri loo gaaro mustaqbalka wanagsan ee dalka.

Iman Jama, Hiiraan Online
[email protected]