Talaado, Janaayo ,28, 2020 (HOL)–Laba caruura ayaa u geeriyooday dab ka kacay guri ku yaalla xaafadda Balaasa ee magaaladda Burco ee gobolka Togdheer.
Ciidanka dabdamiska magaalada
Burco ayaa badbaadiyey ilmo yar oo guriga gubanayey laga soo saaray, halka
guryihii u dhowaa laga badbaadiyey inuu dabku gaadho maadaama oo goobtu ahayd
guryo ka samaysan jiingado iyo Buulal, kuwaas oo si fudud iskugu gudbinayey
dabka.
“xalay sagaalkii habeenimo ayaa
ciidanka dab-damiska lala soo hadlay, wax ka yar sadex daqiiqo ayaanu ku
gaadhnay goobtii, waxaanu isku daynay in aanu dabku u fidin guryaha kale, waxa
halkaasi ku geeriyooday laba caruur ah oo laba jir iyo sadex jir kala ah, halka
ilmo yar oo kalena ka badbaadinay oo isagoo dhaawac fudud ah aanu gaynay
cisbitaalka guud ee magaalada Burco”ayuu yidhi taliye ku xigeenka ciidanka
dab-damiska magaalada Burco Jimcaalle Maxamed Cabdi.
Taliye ku xigeenku waxa uu
bulshada ugu baaqay in aanay isku dayin inay iyagu dabka bakhtiiyaan ee ugu
yeedhaan ciidanka dab-damiska, halka dirawada gaadiidkana ugu baaqay marka ay
maqlaan hoonka dab-damiska inay jidadka baneeyaan si loo badbaadiyo dad iyo
duunyaba.
Barkhad-ladiif M. Cumar, Hiiraan Online
[email protected]
Hargeysa, Somaliland.