4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Jan 28, 2020
Shir u Dhaxeeyey DFS Hay’adaha Caalamiga ah oo lagu qabtay Muqdisho

 

Talaado, Janaayo, 28, 2020 (HOL)-Wasiirka Wasaaradda Caddaaladda iyo Arrimaha Garsoorka ee XFS Mudane, Avv. Xasan Xuseen Xaaji iyo Hanti-Dhowraha Qaranka Maxamed Cali Afgooye iyo howlwadeenno ka kala socday Wasaaradda Caddaaladda iyo Xafiiska Handhowrka ayaa kulan la qaaatay hay’adaha UNDP, UNODC, EUCAP iyo qaar ka mid deeq-bixiyayaasha magaalada Mogadisho maanta.

Kulankaas ayaa Wasiirka kaga hadlay arrimo dhowr ah oo ay ka mid yihiin dadaalka Wasaaradda ay ka waddo dardar-gelinta la dagaalanka musuqa iyo horumarinta hufnaanta dhammaan hay’adaha dowladda dhexdooda taasoo ay qeyb weyn ka tahy diyaar garowga ay Wasaaradda sameynayso sidii Soomaaliya ay ugu biiri lahayd saxiiyayaasha heshiiska caalamiga ah ee la dagaalanka musuqa oo loo soo gaabiyo (Ratification of UNCAC).

Waxaa kaloo Wasiirka iyo Hanti-dhowraha Qaranka iyagoo la kaashanaya ku soo bandhigeen kulankaas Stiratijiyada qaran ee la dagaalanka musuqa iyo sida loo dhaqan gelinayo iyadoo la marsiin doono golaha wasiirada dhawaan kadibna ay noqon doonta mid ka shaqeysa gayiga Soomaaliya.

Waxaa sidoo kale goobta ka hadlay hay’daha UNDP iyo UNODC oo ballan qaaday in kala shaqeyn doonaan Wasaaradda howlaha la xiriira dhaqan gelinta iyo ku biiridda heshiisyada caalamiga ah.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]