Hiiraan Online
4/29/2024
Today from Hiiraan Online:
Home
Somali Map
Sports
Opinion
RSS
Somali Music
Contact Us
Facebook
Twitter
Google Plus
Wararka Maanta- Talaado, Jan 28, 2020
Puntland oo shaqadii ka cayrisay taliye ciidan mid cusubna magacowday
Talaado, Janaayo, 28, 2020 (HOL)- Madaxweyne ku xigeenka Puntland ,Axmed cilmi Cismaan Karaash ayaa taliye cusub u magacaabay taliska ciiddanka booliiska gobolka Cayn ee magaalo madaxdiisu ay tahay Buuhoodle.
Waxaa xilkaan loo magacaabay gaashaanle dhexe Jaamac Saxardiid Barre oo horey uga tirsanaa saraakiisa ciidanka Puntland.
Puntland waxay xilkaan ka qaaday G/sare Ibraahim Cabdi Balayax (Dhool-gu), oo dhawaan lagu xiray magaalada Garowe, kadib markii lagu eedeeyay inuu sameeyay amar diido.
Dhawaan, madaxweynaha Puntland Siciid Cabdulaahi Deni ayaa sidoo kale taliye ciiddan booliis u magacaabay gobolka Sool, waxaana loo magacaabay xilkaas G/Sare. Cismaan Yuusuf Muuse
Gobolka Sool badi waxaa maamula oo uu gacanta ugu jiraa maamulka Somaliland. Oo muddo ku dhow 15 sano kahor kala wareegay Puntland.
Halkaan hoose ka aqriso warqada magacaabidda
Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online
[email protected]