4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Jan 2 , 2020
Ururada masaajida Norway oo ku howlan badbaadinta Masjidka Towfiiq ee Soomaalidu ku heshiin la’dahay

Khamiis, Janaayo, 02, 2020 (HOL)- Ururo ay mideysanyihiin masaajida kuyaala Norway ayaa bilaabay dadaalo lagu dhex dhexaadinayo Soomaalida ku heshiin la’ maamulka masjidka Towfiiq oo ah masaajidka ugu weyn Oslo oo ay Soomaalida gacanta ku hayso.

Muddo 3-asbuuc ah ayaa ka dhiman waqtigii loo qabtay in lagu xalliyoo khilaafka masaajidka, haddii lagu xallin waayana waxay Norway shaacisay inay dalkeeda ka tirtiridoonto urur diimeedka Soomaalida ee  gacanta ku haya masaajidka.

HOL waxay ogaatay in labadii isbuuc ee tagay kulamo gaar gaar ah lala qaadanayay dhinacyada ku muransan talada masjidka, si loo helo xal lagu badbaadin karo maamulka masaajidka oo u dhow  in laga tirtiro liiska ururada diimaha ee ka diiwaangashan Norway.

Weli lama sheegin in xal kasoo baxay kulamadaas labada kooxood lala yeeshay, inastoo rajo wanaagsan laga qabo in go’aanka kahor la helo xal lagu dhameynayo khilaafka taagan.

Soomaalida ku dhaqan Oslo ayaa walaac xoogan ka muujiyay xaalada halka ay marayso iyagoo ka murugaysan mustaqbalka masjidka Towfiiq.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online
[email protected]