4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Jan 2 , 2020
Madaxweyne Deni: Ciidamo aan katirsanayn Puntland degaanadeeda kama howlgali karaan
 

Khamiis, Janaayo, 02, 2020 (HOL)-Madaxweynaha Puntland, Siciid Cabdulaahi Deni, ayaa diiday ciidamo aan ahayn kuwa Puntland in ay ka howlgalaan gudaha Puntland.

Madaxweynaha Puntland waxa uu sheegay in Puntland ay haysato ku dhawaad toban kun oo askari oo ku filan ammaankeeda kana hortagi kara falalka argigixisada.

Deni, ayaa dhinaca kale nasiib darro ku tilmaamay in dowladda federalka oo haysata sida uu sheegay 100kun oo askari iyo 20 kun oo Amisom ah ay sugi la’dahay ammaanka Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya.

Hadalka madaxweynaha Puntland, ayaa kusoo beegmaya, kadib markii dhawaan uu codsaday in Puntland laga taageero dagaalka ay kula jirto waxa loogu yeero kooxaha argigixisada.

Madaxweyne Deni ayaa dhawaan diiday qorshaha dhismaha iyo isku dhafka ciidamada Soomaaliya, isagoo sheegay inta dowladnimada lagu heshiinayo in aan la dhisi karin ciidamo qaran oo leh sumad wanaagsan.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online
[email protected]