4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Jan 1 , 2020
Duqii hore ee magaalada Jigjiga oo ku geeriyooday Canada

 
Arbaco, January, 01, 2020 (HOL)-Dibloomaasi hore isla markaana ahaa duqii hore ee magaalada Jigjiga ee dalka Itoobiya Cali Yuusuf Ciise (Cali Dhadac) ayaa ku geeriyooday dalka Canada,

Ilo caafimaad oo ka tirsan Isbitaalka Guud ee Ottawa ayaa u sheegay HOL, in diblomaasigu uu geeriyooday iyadoo lagu waday in lagu sameeyo qalliin looga beddelayay kelyaha.

Cali Dhadac, wuxuu horey usoo noqday safiirka Soomaaliya ee Iran, ka dib wuxuu dib ugu noqday magaaladiisii Jigjiga ee dowlad deegaanka Soomaalida ee Itoobiya burburkii dowladdii dhexe 1991-kii.

Waxaana loo doortay duqa magaalada Jigjiga ka hor inta aan mas'uuliyiinta Itoobiya xilka ka qaadin sababo la xiriiray in calanka Soomaaliya uu gurigiisa laga helay.
 
Allaha u naxariistee marxuum Cali Dhadac waxaa xasuustaa in uu ahaa shaqsi Soomaalinimadu ku weyntahay, had iyo jeerna bulshada ku wacyi-galin jiray qiimaha ay leedahay wadaninimada.

Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Ottawa ayaa ka tacsiyeeyay geeridiisa. Murxuumka. Cali Dhadac ayaa in muddu ah ku noola magaalada Ottawa ee dalka Kanada

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online
[email protected]