Hiiraan Online
4/28/2024
Today from Hiiraan Online:
Home
Somali Map
Sports
Opinion
RSS
Somali Music
Contact Us
Facebook
Twitter
Google Plus
Wararka Maanta- Arbaco, Jan 1 , 2020
Dowladda Soomaaliya oo wax laga xumaado ku tilmaamtay hadal kasoo yeeray hay’adda bisha cas
Arbaco, Janaayo, 01, 2020 (HOL)-Dowladda Soomaaliya ayaa wax laga xumaado ku tilmaamtay war ka soo Baxay Hay'adaha Bisha Cas iyo Laan qeyrta Cas (ICRC &SRCS) Soomaaliya, taasoo weerarkii ex-kantarool afgooye ku tilmaamay Iska hor imaad u dhexeeyay laba Dhinac.
Warsaxaafadeed kasoo baxay wasaaradda warfaafinta ayaa lagu sheegay hadalkaas in uu meel ka dhac iyo xadgudub ku yahay dowladda Soomaaliyeed iyo dadkii ku Waxyeeloobay weerarkaas oo u badnaa Arday, caruur iyo hooyooyin iyagoo aan waxba galabsan .
Dowladdu waxay Hay’adaha ICRC iyo SRCS usoo jeedisay inay kala saaraan ereyada dhiirrigelinta u ah kooxaha kasoo horjeeda iyo ka hadalka dhibaatooyinka dhaca.
Halkaan hoose ka akhriso warsaxaafadeedka.
Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online
[email protected]