4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Dec 28, 2020
Warkii ugu dambeeyay COVID-19 ee MN: 13 ayaa geeriyootay


Hawl-wadeennada Minnesota ayaa Isniintii sheegay in ay weli socdaa dhibaatooyinka caafimaad ee Disembar ayadoo 13 qofood kale ay u dhinteen COVID-19.
 
Waaxda Caafimaadka waxay soo dhajisay in 1,087 qofood cusub la xaqiijiyay in laga helay COVID-19. Axadiina 878 qofood reer Minnesota ah la dhigay cisbitaal, 203 ka mid ahna u baahdeen in lagu hayo waaxda daryeelka deg dega.
Bukaannada la soo wariyay Isniintii waxay gaarsiiyeen tirada reer Minnesota ee cudurkaan safmareenka ah ku dhacay 410,138 qofood. Tiradaaso, qiyaastii 93% ka mid ah ay ka bogsoodeen xannuunkaas una baahneen inay is karantiillaan.
Tirooyinka dhimasho ee ugu dambeeyay waxay kor u qaadeen inta Minnesota ku geeriyootay oo noqotay 5,160 qofood. Dadkaa dhintayna, qiyaastii 65% ka mid ah waxay ku noolaayeen dhismooyinka daryeelka-dheer; badankoodna waxay horray u qabayn xannuuno kale.
Dadka la xaqiijiyay ee jiradaan halista ah ku dhacday ee golobalka waxaa u badan 20 jirrada - ilaa iyo haddana in ka badan 78,000 dhallinyadadaas ah ayaa cudurkan ku dhacay, in ka badan 41,000 oo ka mid ahna ay da’doodu u dhexeysay 20 ilaa 24 sano.
Tirada da’da ardayda dugsiyada sare (15 jir ilaa 19 jir) ee la xaqiijiyay in cudurkan ku dhacay ayaa korrortay oo ku dhaw 32,000 bukaan laga soo bilaabo marka uu cudurkan faafo bilawday.
In kasta ay u badan tahay in aan loo dareemin in ay saameyn xun ku lahaan karto cudur-ku-daarashada iyo isbitaal u-gellida cudurkan, xeel-dheerada caafimadka waxay ka wal san yihiin in dhallinyarada iyo kuwa da’dooda yar tahay ay cudurka ku fidiyaan awooweyaashooda, ayeeyoyaashooda iyo dadka kale ee taagda darran ee bulshada.
Taasina waa arrin si aad ah looga walwelsan yahay waayo waxaa jira dad ayan ka muuqan astaamaha COVID-19, haddana qaba cudurka dadkana qaadsiin karo.
Gobolka Minnesota dhexdiisa iyo dhammaan dalka Maraykanka oo idil, cudurka COVID-19  waxa uu si aan dheellitirnayn u            saameeyay bulshooyinka laga tirada badan yahay ee muuqda, xag bukaan iyo xag dhimashaba. Waxaana aad looga dareemi karaa dadka reer Minnesota ee asalkoodu yahay Hispanic inta badan muddadii uu cudurkan safmareenka ah jiray.
Sidaas oo kale ayaa dhibkaan u haystaa dadka dalkaan loogu yimid ee loo yaqaaon Indigenous ee gobolkan degan. Tirada dadka uu cudurkani ku dhacay ee beeshaan aad ayuu kor ugu kacay marka loo eego tiradooda bishii Oktoobar dhexdeedii.