4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Dec 19, 2020
Cali Guudlaawe oo loo kordhiyay muddada uu ku soo magacaabayo Golihiisa Wasiirradda

 

Sabti, December, 19, 2020 (HOL) -  Baarlamaanka Dowlad Gobolleedka Hirshabeelle oo kulan maanta ku yeeshay magaalada Jowhar ayaa cod gacan taag ah ku ansixiyay mudada madaxweyne Cali Maxamed Xusseen Cali Guudlaawe uu ku soo magacaabayo xubnaha Golaha Wasiirrada Hirshabeelle.

Guddoomiyaha Baarlamaanka Dowlad Gobolleedka Hirshabeelle Cabdixakiin Luqmaan oo uu wehliyo ku-xigeenkiisa labaad Mahad Xassan Cismaan oo kulankan shir guddoominayay ayaa dood waxaa ay xildhibaannadu ka yeesheen cod uu u soo gudbiyay madaxweynaha Hirshabeelle oo dalbaday in loo kordhiyo mudada uu ku soo dhisayo Golaha Xukuumadda oo loogu darray muddo 45 cisho ah.

Dhismaha Labaad ee dowlad Gobolleedka ayaan wali heshiis lagu aheyn kaddib kacdoon hubeysan oo ka bilaawday magaalada Beledweyne loogana soo horjeedo dariiqa loo marayo dhismaha maamulkan.

Madaxweyne ku-xigeenka Dowlad Gobolleedka Hirshabeelle Yuusuf Axmed Hagar Dabageed ayaa sheegay in uu socdo wahadal lagu xaliyo kacdoonka bulsho ee ka dhashay dhismaha maamulkan.

Cabdiraxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]