3/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Sept 9 , 2020
Madaxweyne ku xigeenka Afganistan oo qarax lagu dhaawacay
 

Arbaco, September 9, 2020 (HOL) - Sida ay qoreen qaar kamid ah wakaaladaha wararka dunida waxaa maanta qarax ka dhacay caasimadda dalka Afganistan ee Kabul ku dhaawacmay madaxweyne ku xigeenka waddankaas Amrullah Saleh.

Qaraxa ayaa loo dhigay kolonyo uu la socday bartamaha magaalada Kabul, xilli uu kusii socday xafiiskiisa shaqada,  sida laga soo xigtay laammaha ammaanka ee caasimadda .

Warbaahinta ayaa soo bandhigtay Amrullah oo gacanta faashad cad kaga xerantahay,  kana soo baxaya xarun caafimaad oo looga dabiibay dhaawacii gaaray.

Inta la xaqiijiyay waxaa qaraxaas ku dhintay lix ruux,  tiro intaas ka badanna dhaawac ayaa kasoo gaaray,  laakiin weli cidna si rasmi ah uma sheegan.

Abdiaziz Ahmed Barrow, Hiiraan Online
[email protected]












Click here
9/9/2020 12:00 PM EST
Arbaco, September 9, 2020 (HOL) - Qof iskusoo xeray waxyaabaha qarxa ayaa isku qarxiyay maqaaxida Blue Sky oo ku taalla meel ku dhow taallada Xaawa-taako ee magaalada Muqdisho.

9/9/2020 10:25 AM EST
Arbaco, September 9, 2020 (HOL) - Waxaa goor dhow soo gaaray magaalada Muqdisho madaxweynayaasha maamul goboleedyada Hirshabeelle, Koonfur galbeed iyo Galmudug, waxaana garoonka Aadan Cadde ee Muqdisho kusoo dhoweeyay madax ka tirsan dowladda Soomaaliya.

9/9/2020 8:51 AM EST
Arbaco, September 9, 2020 (HOL) - Madaxweynaha maamulka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye ayaa waxa uu ku eedeeyay madaxweynayaasha Jubaland iyo Puntland in sababaha ay u diideen ka qeyb-galka shirkii Dhuusamareeb 3 uu ahaa in dalka uusan laheyn ra'iisul wasaare, balse taas bedelkeeda ay Muqdisho yimaadeen arrintii ay ku doodayeen oo weli taagan.

9/9/2020 7:17 AM EST
Arbaco, September 9, 2020 (HOL) - Shirka iskaashiga iyo wadatashiga Dowlad Goboleedyada Hirshabeele, Galmudug iyo Koonfur Galbeed ayaa ka furmay magaalada Baydhabo ee caasimadda kumeel gaarka ah ee koonfur galbeed.

9/9/2020 7:14 AM EST
Arbaco, September 9, 2020 (HOL) - Madaxweynaha dalka Maraykanka Donald Trump ayaa loo magacaabay murashaxa abaal marinta bilada nabada ee Nobel Peace Prize sannadka 2021, toddobaadyo uun ka dib markii uu gacan ka gaystay nabadeynta Israa’iil iyo Imaaraadka Carabta.

9/9/2020 4:39 AM EST
Arbaco, September 9, 2020 (HOL) - Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka ayaa magacaabay Xeer-Ilaaliye u gaar ah si baaris loogu sameeyo, gacantana loogu soo dhigo kuwii soo abaabulay, qorsheeyay iyo kuwii fuliyay dilalka iyo waxyeelaynta ka dhanka ah Suxufiyiinta.

9/9/2020 1:52 AM EST
Arbaco, September 9, 2020 (HOL) - Saraakiisha Taliska Mareykanka ee Afrika ayaa shaaciyey aqoonsiga hoggaamiyaha sare ee oo katirsan Al-Shabaab oo lagu diley duqeyn 25-kii Ogosto ka geysteen Soomaaliya.