4/23/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Sept 9 , 2020
Donald Trump oo loo magacaabay murashaxa abaalmarinta Nobel Peace Prize ee sanadka 2021
 

Arbaco, September 9, 2020 (HOL) - Madaxweynaha dalka Maraykanka Donald Trump ayaa loo magacaabay murashaxa abaal marinta bilada nabada ee Nobel Peace Prize sannadka 2021, toddobaadyo uun ka dib markii uu gacan ka gaystay nabadeynta Israa’iil iyo Imaaraadka Carabta.

Waxaa u magacaabay Christian Tybring-Gjedde, oo ah xubin ka tirsan baarlamaanka Norway, oo ku amaantay Trump, dadaalka uu ugu jiro xalinta khilaafaadka adduunka.

Warqada magacaabista, wuxuu lagu yidhi” 'Sida la filayo in dalalka kale ee Bariga Dhexe ay raaci doonaan tallaabooyinka Imaaraatka, heshiiskan wuxuu noqon karaa mid beddela ciyaarta oo Bariga Dhexe u rogi doonta gobol iskaashi iyo barwaaqo leh.'

Xildhibaanka reer Norway wuxuu sheegay in madaxweyne Donald Trump uu buuxiyey sadexda shuruudood ee looga baahan yahay inuu ku guuleysto abaalmarinta nabadda.

“Midka koowaad waa iskaashi dhex mara ummadaha, qodobka labaad yaraynta ciidamada Bariga Dhexe, shuruudda saddexaadna waa dhiirrigelinta shirarka nabadda,' ayuu yidhi Christian Tybring-Gjedde.

Afar madaxweyne oo Mareykan ah ayaa ku guuleystay abaalmarinta Nobel Peace Prize, taasoo ay go’aamiyaan guddiga shanta qof ee Nobel, ee ay soo magacaabaan baarlamaanka Norway.

Barack Obama ayaa guuleystay 2009, Theodore Roosevelt 1906, Madaxweyne Woodrow Wilson 1920 iyo Madaxweyne Jimmy Carter 2002. Qofka ku guuleysta 2021 waxaa la shaacindoonaa  Oktoobar 2021.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online
[email protected]