4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Sept 7 , 2020
Guddoomiye Cumar Filish: Dhalinyarada reer Muqdisho waxaa waxbarashadii ka mashquuliyay Tiktok iyo Taabuuk
 

Isniin, September 7, 2020 (HOL) - Gudoomiyaha gobolka Banaadir Cumar Filish ayaa hadlay sababta ka dambeysay in arday badan oo reer Muqdisho ay ku dhacaan imtixaanka shahaadiga ah ee sanad dugsiyeedka 2019/2020.

Gobolka Banaadir ayaa boqolaal arday oo wax ka baranaysay waxay ku dhaceen imtixaankii dugsiga sare oo natiijadiisa la shaaciyay maalin kahor, taasoo su’aalo badan ka dhalisay baraha bulshada.

Guddoomiye Cumar Filish ayaa sheegay dhalinyarada gobolka Banaadir inay aad ugu mashquuleen isticmaalka Tiktok oo ah nuuc kamid ah aaladaha baraha bulshada iyo Taabuuk, oo ah Daroogo dhalinyaradu u badan tahay isticmaalkeeda, taasoo caafimaad ahaan aad looga digay.

“Qof kasta oo Taabuuk iyo Tiktok uga mashquulay tacliintiisii natiijadaas ayuu dhaxlayaa,” ayuu yidhi guddoomiye Cumar Filish.

Dhinaca kale, Dallada Waxbarashada Ahliga ah ee SAFE ayaa nasiib darro weyn ku tilmaamtay in 7,873 arday oo wax ka baranayay dugsiyada gobolka Banaadir ay ku dhacaan imtixaanka, taasoo ay sheegeen inay ugu wacan tahay, muddo saddex bilood ka badan oo aysan ardayda gobolka Banaadir waxbarasho helin sababo la xiriira cudurka COVID-19.

Waxay maasuuliyadaas ku eedeeyeen sii hayaha Wasiirka Waxbarashada iyo masuuliyiinta la shaqeysa, iyagoo ku baaqay in xilka laga qaado.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online
[email protected]