4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Sept 30, 2020
Puntland oo ka digtay roobab dabeyla wata oo kusoo fool leh deegaanadeeda
 

Arbaco, September 30, 2020 (HOL) - Warkaan digniinta ah ayaa waxaa soo saaray wasaaradda deegaanka, beeraha iyo isbedalka cimilada ee dowlad goboleedka Soomaaliyeed ee Puntland, waxaana lagu sheegay in roobab mahiigaan ah oo wata dabeylo xooggan oo kusoo wajahanyahay deegaanno badan oo kamid ah maamulkaas.

Dadka kunool Gobollada Bari, Nugaal, Sool iyo Sanaag ayaa waxaa si gaar ah loo amray iney ka fogaadaan dhulka biya qabadka leh iyo deegaannada biyo mareenka ah , si looga baaqsado in khasaaro xooggan ay sababaan daadad suura-gal noqon kara iney roobabkaasi ka dhashaan.

“Roobab mahiigaan ah ayaa la saadaalinayaa inay kusoo wajahan yihiin degaannada puntland, qeybo kamid ah gobolada Bari, Nugaal ,Sool iyo Sanaag ayaa la rajeynayaa inay heli doonaan rooob xoogan oo sababi kara daadad ”  ayaa lagu yiri warka degniinta ah ee Puntland ay sii deysay.

Digniintaan ayaa soo baxaysa. Xilli saacadihii lasoo dhaafay lasoo sheegayo in roobab ay ka da’ayeen deegaanno badan oo ku yaalla Gobollada Sool iyo Sanaag.

Abdiaziz Ahmed Barrow, Hiiraan Online
[email protected]