4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Sept 30, 2020
Galmudug oo kiis cusub oo Coronavirus ah laga helay
 

Arbaco, September 30, 2020 (HOL) - Wasaaradda caafimaadka ee maamulka Galmudug ayaa waxay maanta shaacisay in deegaannada maamulkaas lagu arkay mar kale xanuunka Covid19, kadib markii baaritaan ay ku sameeyeen saraakiisha caafimaadka bukaan qabay xanuunka.

Hal qof ayuu sheegay mas’uul sare oo ka tirsan wasaaradda in la diiwaan-geliyay, iyadoo maalmihii lasoo dhaafay aan deegaankaas lagasoo werin, kiisas kale.

Bilihii lasoo dhaafay, waxaa guud ahaanba Soomaaliya hoos u dhacay hadal haynta Coronavirus, laakiin waxaa hadda muuqanaya in mar kale xanuunka uu dib usoo laabanayo.

Wasaaradda caafimaadka ee dowladda Soomaaliya ayaa 4 maalin ka hor waxay shaacisay 146 xaalad oo cusub oo xanuunka safmarka Covid19 ah, waxayna kiisaskaas sheegtay in laga helay Puntland iyo Somaliland, waxayna guud ahaan tirade bukaannada uu ku dhacay guud ahaan waddanka ay noqoneysaa 3,588 ruux .

Galmudug ayaa waxay kiiskaan cusub shaacisay, xilli mar kale uu xanuunkaan si weyn dunida ugusoo laabanayo, dalal bandanna ay qarka u saaranyihiin in mar kale xayiraad lagusoo rogo.

Abdiaziz Ahmed Barrow, Hiiraan Online
[email protected]