5/3/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Sept 30, 2020
Dab khasaare geystay oo ka kacay magaalada Dhuusamareeb
 

Arbaco, September 30, 2020 (HOL) - Dab qasaaro geystay ayaa saaka ka kacay goobo ganacsi oo ku yaala magaalada Dhuusamareeb ee xarunta maamulka Galmudug.

Dabkan ayaa ka dhashay kaalin Shidaal oo ku taala bartamaha magaalada Dhuusamareeb waxuuna ku faafay xaruuma kale oo ganacsi oo ka ag dhawaa kaalinta Shidaalka ee dabka ka bilawday.

Boqolaal shacab ah iyo maamulka degmada Dhuusamareeb ayaa isugu soo baxay daminta dabka kuwaas oo waqti badan kadib ku guuleystay daminta dabka.

Ma ahan markii ugu horeysay uu dab noocaan oo kale uu ka kaco magaalada Dhuusamareeb ee xarunta dowlad goboleedka Galmudug mana jiran gadiid dab damis ah oo yaala magaaladaasi.

Jamaal Cali Cabdi, Hiiraan Online
[email protected]