4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Sept 29, 2020
Lafta-gareen oo badi xildhibaannada Koonfur galbeed lagasoo doorto Muqdisho kula kulmay
 

Talaado, September 29, 2020 (HOL) - Kulankan oo ay si wada jir ah uga qeyb-galeen Guddoomiyaha Golaha shacabka ee Baarlamanka Soomaaliya, madaxweynaha maamulka Koonfur galbeed iyo badi xildhibaannada maamulkaas lagasoo doorto ayaa ka dhacay magaalada Muqdisho.

Guddoomiyaha Golaha shacabka Maxamed Mursal Shiikh Cabdiraxmaan oo munaasabadda kulanka soo agaasimay ayaa waxaa diiradda lagu saaray arrimaha doorashooyinka iyo sidii meesha looga saari lahaa tabashooyinka xildhibaannada qaar ay ka qabaan maamulka ee ku aaddan in doorashada aysan noqon mid daah furan.

Madaxweynaha Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen ayaa u sheegay dhammaan mudanayaashii kasoo qeyb-galay kulanka in doorashadu ay noqon doonto mid daah furan oo cadaaladda baritaareysa.

“Doorashu waxay noqon doontaa mid daah furan oo cadaalad ah, laakiin kuraasta qaar waxaa jira dad dhintay iyo kuwa nool oo ku xaq lahaa, dhib bandanna usoo maray, iyagana waa in la xushmeeyo” ayuu madaxweyne Laftagareen u sheegay xildhibaannadii kulanka joogay.

Kulanka xalay ka dhacay Muqdisho ee u dhexeeyay Lafta-gareen iyo xildhibaannada Koonfur galbeed lagasoo doorto ayaa kusoo aadaya xilli Soomaaliya la isku diyaarinayo doorashooyin.

Abdiaziz Ahmed Barrow, Hiiraan Online
[email protected]