4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Sept 29, 2020
Puntland oo xukunno isugu jira dil iyo xabsi ku riday xubno katirsan kooxda Al-shabaab
 

Talaado, September 29, 2020 (HOL) - Maxkamad milatari oo ku taala Puntland ayaa xukunno isugu jira dil iyo xabsiyo dhaadheer ku riday eedeysanayaal katirsan Al-Shabaab ka dib markii lagu helay dambiyo argagixisanimo.

Waa markii ugu horreysay oo Puntland xukunto xubno ka tirsan Al-Shabaab bilooyin badan, kadib dhacdooyin argaggixiso oo ka dhacay Puntland  intii u dhexaysay bishii Maarso ilaa Luulyo.

Maxkamadda waxay dil ku xukuntay Maxamed Maxamed Saciid oo la sheegay inuu qirtay inuu abaabulay weerarada Al-Shabaab muddo bilooyin ah wuxuuna hormuud ka ahaa qorista dhalinyarada ku biirta Al-shabaab.

Afar kale oo katirsan al-shabaab ayaa lagu xukumay xabsiyo kala duwan oo la xiriira dambiyada ay galeen sida ay sheegtay maxkamada ciidamada. Saddex ka mid ah ayaa lagu xukumay 15 sano oo xabsi ah.

Al-Shabaab ayaa xoojisay weerarada ay ka geysanayaan Puntland, waxaana kamid ahaa dilalka gudoomiyaasha gobolada Nugaal iyo Mudug.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online
[email protected]