4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Sept 28, 2020
Puntland oo wajahaysa Ayaxii ugu badnaa ee kusoo duula degaanadeeda

Isniin, September 28, 2020 (HOL) - Maamul goboleedka Puntland ayaa wajahaya Ayaxii ugu badnaa taariikhda ee yimaada degaanadooda, xilli ay Puntland maalmo ka hor bilowday dagaal ka dhan ah Ayaxa, iyadoo adeegsanaya qalab iyo dad loo tababaray.

Sida uu soo sheegayo weriyaha Hiiraan Online ee Puntland, malaayiin Ayax oo raxan raxan u socda ayaa ku dagay dhul daaqsimeed aad u baaxad weyn oo kuyaala gobolada Nugaal iyo Bari.

Bulshada reer miyiga ah ayaa qeylo dhaan xoogan kasoo muujisay Ayaxa iyagoo dalbanaya wax ka qabashada saameynta degdegga ah ee uu geysanayo.

Hay’adda FAO oo Puntland ka caawimaysa la dagaalanka Ayaxa ayaa horey uga digtay khatar Ayaxu ku yahay sugnaanta cuntada iyo habnololeedka bulshada.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online
[email protected]