4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Sept 27, 2020
15 deegaan oo Gedo ka tirsan oo Is-gaarsiinta ay ka maqantahay
 

Axad, September 27, 2020 (HOL) -Sida ay tilmaamayaan wararka laga helayo  Gedo ayaa waxay sheegayaan in illaa 15 deegaan oo ku yaalla Gobolkaas ay ka maqantahay is-gaarsiinta, waxaana sidoo kale xayiran adeegga lacagaha la isugu diro ee EVC oo ay bixiso shirkadda Hormuud.

Wararka ayaa sheegaya in isgaarsiinta ay jareen ciidamada Kenya oo howl-gal ka wada xudduudda, waxayna taasi caqabad weyn ku abuurtay shacabka deegannadaas.

Ciidamada la dagaallanka argagaxisada Kenya ayaa deegaanka lagu magacaabo Yadoo ka watay dhowr maalin ka hor 4 ruux, waxaana la sheegay in dib loo helay iyagoo meyd ah oo risaas lagu dilay.

Mudanayaal ka tirsan labada aqal ee Baarlamanka Soomaaliya ayaa shalay arrintaas ka hor sheegay fadhi wada jir ah oo ay lahaayeen Baarlamanka Labada aqal ee Soomaaliya.

Maamulka Jubaland ayaa guddi gaar ah shalay u saaray iney baaritaan ku sameeyaan dilka ka dhacay Gobolka Gedo.

Dowladda Kenya weli kama hadal tacaddiga lagusoo eedeeyay ciidamadooda iyo dilka la sheegay iney u geysteen dad rayid ah .

Abdiaziz Ahmed Barrow Hiiraan Online
[email protected]