4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Sept 26, 2020
Maraykanka: Wada shaqaynta dowladda federalka iyo dowlad goboleedyada waa furaha nabada iyo xasiloonida Soomaaliya
 

Sabti, September 26, 2020 (HOL) - Wasaaradda arrimaha dibedda Maraykanka ayaa sheegtay dib-u-heshiisiinta dhammaan daneeyeyaasha arrimaha Soomaaliya in ay fure u tahay nabadda iyo xasiloonida Soomaaliya.

Wasaaradda arrimaha dibadu waxay tilmaamtay inay dhiiri gelinayso wada shaqeynta dowladda federaalka iyo shanta dowlad goboleed ee xubnaha ka ah, kuwaas oo leh awood iyo saameyn aad u fara badan oo ka baxsan caasimadda.

“Waxaan sii wadaynaa inaan diirada saarno muhiimada ay leedahay xoojinta xiriirka udhaxeeya dowlada federaalka Soomaaliya iyo dowladaha xubnaha ka ah federaalka, si loo gaaro doorasho lagu kalsoonaan karo oo lagu hirgalin karo qaab waqtigeeda ku habboon, kordhinta dadaallada lagu doonayo in nolol loogu helo bulshada iyo in la fududeeyo maalgashi muhiim ah oo horumarineed.

Dowladda Maraykanka waxay ku boorrisay masuuliyiinta Soomaaliya inay qaadaan tallaabooyin milatari oo ka dhan ah Al-Shabaab si loo helo nabad waarta, xasillooni iyo horumarka Soomaaliya.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online
[email protected]