4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Sept 25, 2020
Guddoomiye Mursal iyo Axmed Madoobe oo Muqdisho ku kulmay
 

Jimco, September 25, 2020 (HOL) - Waxaa magaalada Muqdisho kulan ku yeeshay madaxweynaha maamulka Jubaland Axmed Maxamed Islaam iyo Guddoomiyaha aqalka hoose ee Baarlamanka Soomaaliya Maxamed Mursal Shiikh Cabdiraxmaan, kulanka oo ahaa mid ay albaabbada u xernaayeen ayaa waxaa la sheegay iney uga hadleen xaaladda siyaasada dalka.

Madaxweynaha Jubaland Axmed Madoobe ayaa waxa uu maalmahaan magaalada Muqdisho ka wadaa kulamo siyaasadeed oo ku aaddan xaaladda dalka Soomaaliya, tan iyo wixii ka dembeeyay heshiiskii ay kala saxiixdeen maamul Goboleedyada iyo dowladda dhexe.

Warar la helayo ayaa waxay sheegayaan in mas’uuliyiintaan ay isku soo qaadeen wax-yaabo badan, sida xaaladda kala guurka ah iyo kaalinta ay ka qaadan karaan geeddi socodka siyaasadeed.

Lama ogo , labadaan hoggaamiye waxyaabaha ay sida gaarka ah iskula meel dhigeen.

Guddoomiyaha Baarlamanka oo gurigiisa lagu kulmay ayaa uga mahad-celiyay Axmed Madoobe inuu ka aqbalo kulankaan, kuna soo booqdo hoygiisa.

Magaalada Muqdisho waxaa maalmahaan ka dhacayay kulamo siyaasadeed oo adag, waxa dalka uu hadda galay marxalad kala guur ah, taas oo cid walba ku dooneyso iney sameysato isbaheysi siyaasadeed oo adag.

Abdiaziz Ahmed Barrow, Hiiraan Online
[email protected]