4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Sept 24, 2020
Taliyaha cusub ee AMISOM oo Baydhaba gaaray
 

Khamiis, September 24, 2020 (HOL) - Taliyaha cusub ee ciidamada AMISOM ee Soomaaliya ka howl-gala Diomede Ndegeya ayaa waxa uu booqday fadhiga Ciidamada midowga Afrika ay ku leeyihiin magaalada Baydhaba, waxa uuna ku amaanayay howsha ay ka hayaan deegannadaas.

Saldhigyada uu booqday oo fariismo u ah ciidamada Itoobiyaan ah ayaa waxa uu sheegay iney yihiin kuwa ku amaanan kaalinta ay ka qaadanayaan nabad-gelyada iyo xasilliinoda koonfur galbeed , sida uu hadalka u dhigay.

Mr. Diomede Ndegeya ayaa sheegay in AMISOM ay ka go’antahay iney sii laba jibbaaraan dadaallada xasilloonida dhinaca nabadda ah loogu raadinayo Soomaaliya, isagoo intaa ku daray iney kor usii qaadayaan dagaallada ay kula jiraan Al-shabaab.

Socdaalkiisa Baydhabo ayaa waxa uu qeyb ka yahay safar uu ku gaalaa-bixinayo deegannada ay ku suganyihiin ciidamada howl-galka midowga Afrika ee Soomaaliya AMISOM, waxa safarkaan uga horreeyay socdaal uu ku shalay ku gaaray magaalada Jowhar, waxa uuna kormeeray saldhig ciidamada Burundi ay ku leeyihiin magaaladaas.

Abdiaziz Ahmed Barrow, Hiiraan Online
[email protected]