3/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Sept 23, 2020
Faahfaahin Dagaal xalay ka dhacay duleedka magaalada Beledweyne
 

Arbaco, September 23, 2020 (HOL) - Dhaqdhaaqa Al-shabaab ayaa xalay weerar ku qaaday bar koontarool oo ay ku leeyihiin ciidamada NISA deegaanka Ceel-jaalle ee duleedka magaalada Beledweyne.

Barta koontarool ee ciidamada NISA lagu soo weeraray ayaa aheyd goob lagu baaro dadka iyo gaadiidka soo gala magaalada beledweyne kana baxa.

Dagaalka halkaasi ku dhexmaray Al-shabaab iyo NISA ayaa ahaa mid waqti koobaan socday walow rasaas aad u badan ay is dhaafsadeen lamana oga qasaaraha rasmiga ah ee halkaasi ka dhashay.

Mudadii uu socday dagaalka u dhaxeeyay Shabaab iyo NISA waxaa xaalad koronto la'aan ah ay ka jirtay xaafadaha magaalada Beledweyne taaso cabsi badan kusii abuurtay dadka ku dhaqan magaalada.

Jamaal Cali Cabdi, Hiiraan Online
[email protected]












Click here
9/23/2020 11:14 AM EST
Arbaco, September 23, 2020 (HOL) - Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa uga mahad celiyey Xildhibaannada Golaha Shacabka kalsooni-siinta iyo ansixita Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble oo uu xilka u magacaabay 17-kii bishan.

9/23/2020 5:36 AM EST
Arbaco, September 23, 2020 (HOL) - Ra'iisul wasaaraha cusub ee Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa helay codka kalsoonida ee baarlamaanka Soomaaliya.

9/23/2020 2:58 AM EST
Arbaco, September 23, 2020 (HOL) - Xildhibaano ka soo jeeda gobolka Meru ayaa go’aansaday in dowladda Kenya la siiyo waqti dheeri ah si ay u xalliso caqabadaha ganacsi ee kala dhaxeeya Soomaaliya.

9/23/2020 2:13 AM EST
Arbaco, September 23, 2020 (HOL) - Madaxweyne Farmaajo ayaa maanta barlamaanka horgeynaya raysal wasaaraha cusub, Maxamed Xuseen Rooble oo todobaadkii hore uu magacaabay, kadib ku dhawaad 2 billood oo dalku raysal wasaare la’aan ahaa.

9/23/2020 1:47 AM EST
Arbaco, September 23, 2020 (HOL) - Waaxda Caafimaadka ee Minnesota ayaa tagi donna guri kasta ee ku yaal gobolka si ay u hesho dad si lacag la’aan ah uga qayb qaata baritaan lagu samaynayo cudurka covid-19 iyo unnugyada jirka difaaca si qiimeeyn dhab ah loogu sameeyo faafidda cudurkan safmareenka ah.